BALIGUBADLE MEDIA
Sinaba Uma Loodin Karto Xukuumadda Muuse Biixi Isbahaysiga Muncaaradka “Baashe Cabdi Gaboobe”
July 18, 2021 - Written by Ahmed ALI

Sinaba uma loodin karto xukuumadda Muuse Isbaheysiga mucaaridka ” Xoghaye Baashe Cabdi Gaboobe

Doorashada isku sidkan ee golaha wakiilada iyo degaank ee ka qabsontey Somaliland 31 May, 2021. Waxey u dhacdey si nabad gelyo iyo farshaxan leh sida caadada u aheyd doorashooyinka Somaliland iyado la adeegsaday qaabka casriga ah ee Bio-metric. Shacabku waxey hiirti hore ba u dareereen goobaha loo cayimey iney ka codeeyaan oo safaf dhaadheer u galeen, iyago in badan ka soo horeyeey guddida doorashooyinka, kuwaaso bilaabey codeeynta 730 subaxnimo halkey aheyd iney bilaabaan 6 subaxnimo. Laakiin nasiib wanaag gelinki dambey safafki dhaadheera mey badneyn. Markey dhamaatey tirinti codadka ee goobaha, waxey muraaqibinti soo tebiyeen in labada xisbi mucaarid marka la isku geeyo ay codad aqlabiyad ah ka heleen labada gole. Waliba, gaar ahaan golaha wakiilada xisbiga Waddani ba ka codad batey xisbul xaakimka Kulmiye. Waddani 31 xubnood, Kulmiye 30 xubnood. Ucid 21 xubnood. Waana marki u horeysey ee xisbi mucaarid ah ka wakiilo bato xisbul xaakim. Doorashadi golayaasha deegaanka, degmo walba waxa ku guuleystey innu ka noqdo mayor iyo mayor ku xigeen isbaheysiga mucaaridka ee xisbiga Waddani iyo xisbiga Ucid marka laga reebo Gabiley, Berbera iyo dhawr degmo yar yar mooye’. Haddaba doorashadi golaha wakiilada ee ka dhacdey Somaliland 2005. Kulmiye wuxu heley 28 wakiil, Ucid 21 wakiil iyo Udub 33 wakiil. waxa isbaheystey labada xisbi mucaarid, Kulmiye iyo Ucid. . Sidaana ku hantey shir guddoonki golaha wakiilada. Maah maah Ingiirisi ah ba tidha ‘’ History repeats itself ‘’ oo macnaheedu yahey dhacdooyinka taariikhigu wey soo noq noqdaan ‘’. Maah maah carbeedna waxey tidha ‘’ ما أشبه الليلة بالبارحة ‘’.
Mar haddi lagaga adkaadey xukuumadda Kulmiye golayasha deegaanka, loolanka weyni wuxu usoo wareegey shir guddoonka golaha wakiilada oo ah qeybta ugu muhimsan dhadhaarki sharci dejinta ( golaha wakiilada + golaha guurtida= Golaha Barliamanka ) ee loogu talagaley xakameeynta, la xisaabtanka iyo isu dhelitirka awoodda dawladdnimo
Tirada wakiilada isbaheysigu wa 52 wakiil ( 31 waddani + 21 Ucid ). Sinaba uma loodin karto xukuumadda Muse Isbaheysiga mucaaridka. Sababahan awgood :
1- Farqiga u dhexeeya xildhibaanada isbaheysiga iyo Kulmiye oo aad u badan 52- 30 = 22 xildhibaan
2- Xildhibaano kulmiye ah oo debedda ku maqan on soo noqoneyn doorashada shir-guddoonka ka hor sida Cabdikariin Adan Cali Dubad
3- Xildhibaano kulmiye ah sida Axmed Guruuje oo difaacanaya xuquuqdooda xisbinimo saluugsan na musharaxnimada xildhibaanada Ucid ee tahriibta ah ( Wa sida uu hadalka u dhigey e’ )
4- Xildhibaano kulmiye ah oo toos u shaaciyey iney Isbaheysiga u codeeynayaan sida Mustafa Axmed
5- Reer Awdal oo kulmiye ka reebey in uu sharaxo shir-guddoonka golaha wakiilada, xildhibaanadooda kulmiye na wacad ku mareen iney aqlabiyadoodu’u codeeynayaan mucaaridka.
6- Haddaba markaad isu geyso arrimaha kor ku xusan iyo sagaalka xildhibaan ee kulmiye ka kaxeystey Ucid marnaba ma dhaafi karaan 35 xildhibaan. Haddey wax isla hayaan bal wa kaase (هذا الفرس وهذا الميذان ) madaxweynuhu ha isugu yeedho xildhibaanada.
Alla mahad leh,
xoghayaha arrimaha gudaha ee xisbiga Ucid,
Eng. Bashe Cabdi Gaboobe.

COMMENTS