BALIGUBADLE MEDIA
Nuxurka Qoraalkii Madaxwayne Biixi U Diray Dhigiisa Dalka Maraykanka
July 14, 2021 - Written by Ahmed ALI

Nuxurka Qoraalkii Madaxwayne Biixi U Diray Dhigiisa Dalka Maraykanka

Maxay Somaliland u noqonaysa saaxiib noocaas ah?
W/Q : Madaxwaynaha JSL mudane Muse Bihi Abdi
Turjumad : Akram Warsameh (Omer Abdirahman Warsameh)
Xigasho : Newsweek

“Mabda’a ugu muhiimsan ee siyaasadda arrimaha dibedda ee Madaxweyne Joe Biden waa iskaashi lala yeesho wada-hawlgalayaal isku fikir ah, dimoqraadi ah oo wadaaga yoolalka Mareykanka. Ma jirin baahi ka weyn tan maanta loo qabo istiraatiijiyaddan cusub, maaddaama isku dhacyadu ay sii hurinayaan ama ay ku soo badanayaan adduunka.

Laakiin halkee iyo sidee loo hawlgeliyaa? Adduunyada maanta aan deggenayn, ma jirto dacwad ka adag oo ka badan iskaashi toos ah oo lala yeesho Somaliland, oo ah ummad istiraatiiji ah oo ku taal Gacanka Cadmeed ee Geeska Afrika oo dhowaan u dabaal degtay 30 sano oo xorriyadda iyo dimuqraadiyadda ah.

Dad badani ma oga oo bulshada caalamku ma aqoonsana, Somaliland waxay ku guulaysatay halka kuwo kale oo badani aaney ku guuleysan — waxayna ku guuleysatay iyada oo aan wax taageero ah ka helin wadamada deeqda bixiya ama ururada dhinacyada badan leh. Waxaan qabanay doorashooyin hal-qof hal-cod oo dimoqraadi ah. Waxaan ka horjoogsannay argagixisanimada dhulkeenna, burcad-badeedda ka socota baddeena iyo saameynta xun ee shisheeyaha ay ku yeesheen dadka kale ee gobolkeennu. Waxaanan u dhisnay aasaaska xasilloonida dhaqaale oo kaliya horumarin doonta maaddaama warshadeheenna iyo kaabayaasheenuba ay sii wadaan ballaadhinta iyo bislaanshaha.

Soddonkii sano ee la soo dhaafey, aduunku wuxuu soo arkey isbadal in yar ay filanayeen 1991. Wadamo badan oo kuyaala qaarada Africa waxaa xasilooni daro ku noqdey khilaafaadka gobolka, xiisadaha qowmiyadaha iyo diinta, shabakadaha argagixisada aduunka iyo xoogaga kali talisyada ah ee soo noq noqday. Caqabadahaas waxa maanta la kulmay umaddo badan oo waaweyn iyo kuwo yaryar.

Haddana dimuqraadiyadda Somaliland way sii waartay. Ka dib markii ay xorriyadda ka qaateen gumeystihii Ingiriiska 1960-kii isla markaana u adkaysteen midowgii burburay ee Soomaaliyadii hore ee Talyaaniga, dadkeennu waxay dib ula soo noqdeen madax-bannaanidii qarannimada Somaliland 30 sano ka hor. Tan iyo waagaas, waxaan dhisnay dowlad iyo bulsho iska caabbisay tijaabooyinka kuwa kale ay ku sii adkaysanayaan. Waxaanan wali kusii sugnaanay himiladeena dimuqraadiyadeed. Waxaa sharaf ii ah in aan noqdo madaxweynihii shanaad ee si dimuqraadi ah loo doorto Somaliland — qayb ka mid ah guusha Somaliland waxaa ka mid ah kalsoonida ka dhexeysa muwaadiniinteenna oo ah, in markii la gaaro, aan xilka baneyn doono maadaama madaxweynihii lixaad uu xukunka la wareego.

Somaliland waxay si gaar ah u caawin kartaa dalalka kale ee dimoqraadiga ah sida Mareykanka wax ka qabashada dhibaatooyinka gobolka ka jira ee sida weyn u wiiqi kara danahooda istiraatiijiyadeed. Muranka siyaasadeed, xiisadaha qowmiyadeed iyo iskahorimaadyada hubeysan ee ka socda koonfurta iyo galbeedka ayaa durba ka soo tallaabay xuduudaha waxayna khatar ku yihiin deganaanshaha gobolka iyo nolosha dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan. Dhinaca woqooyi, xorriyadda marinka maraakiibta iyo marinnada milatari ee marinka Suez Canal iyo Badda Cas ee loo maro Gacanka Cadmeed iyo wixii ka sii dambeeya – oo ka kooban in ka badan 10% ganacsiga adduunka maro maalin kasta – waxaa khatar ku ah khilaafka guud ahaan Gacanka Cadan iyo joogitaanka militariga Shiinaha ee kusii kordhaya jaarkayga.

Mid kasta oo ka mid ah dhibaatooyinkaan socda waxay saameeyaan danaha iyo qiyamka Mareykanka, sida lagu caddeeyay magacaabista degdegga ah ee madaxweyne Joe Biden ee laba ergey oo gaar ah gobolkayaga. Laakiin si wax looga qabto dhibaatooyinkan si wax ku ool ah, Mareykanka wuxuu u baahan yahay wax ka badan ergooyinka. Waxay u baahan tahay la-hawlgalayaal lagu kalsoon yahay.

Dad baa ruxaya calanka Somaliland
Dadweynaha ayaa ruxaya calamada iyaga oo ah askarta iyo shaqaalaha kale ee militariga dhulka gooni u goosadka ah ee Soomaaliland oo maraya intii lagu guda jiray munaasabad lagu xusayay maalinta madaxbanaanida oo ka dhacday caasimada, Hargeysa 18-kii Maajo, 2016.

Maxay Somaliland u noqonaysaa saaxiib noocaas ah? Marka hore, himilooyinkayaga dimuqraadiyadeed ayaa sii xoogaysanaya. 31-kii Maajo, Somaliland waxay ku qabsoontay doorashooyinka golayaasha deegaanka iyo baarlamanka shuruudaha u baahnaa dhisidda is-afgarad adag laakiin la go’aamiyey, iyadoo la sii waday caado soo jireen ah oo dalka oo dhan ka dhacaysay doorashooyin hal qof iyo hal cod ah oo ay ku dhawaaqeen goob-joogayaal maxalli ah iyo kuwa caalami ahba inay yihiin kuwo xor iyo xalaal ah. Waxaan rajeyneynaa inaan sii muujino, iyadoo lala kaashanayo Mareykanka, in dimoqraadiyadu ay waxtar badan u leedahay sameynta isbeddel dhab ah nolosha muwaadiniintooda iyo u noqoshada ilaalin kuwa kale ee raadinaya xorriyadda aadanaha ee aasaasiga ah.”

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS