BALIGUBADLE MEDIA
Maxaa Wakhti Xaadirkan Keenay In Xukuumadda Somaliland Ku Dhawaaqdo Diyaaradda Fly Dubai.
July 27, 2021 - Written by Ahmed ALI

Dawlada Somaliland ayaa shaacisay inay gacanta ku hayso hirgelinta hay’ad dowladeed oo qaabilsan faaf-reebka Buugaagta ay qoraan bahda Qalinleyda ah.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo wacygelinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo maanta hadal ka jeediyey daah-furka Bandhigga Caalamiga ah ee buugaagta Hargeysa oo sannadkii 14aad galay, ayaa sheegay inay xukuumad ahaan gacanta ku hayaan sameynta Xafiis faaf-reeb oo ay ka hawl-geli doonaan khubaro ku xeel-dheer qoraalka Af-Soomaaliga.

Wasiir Saleebaan Yuusuf Cali Koore waxa uu sheegay in qorshaha ka dambeeyey hirgelinta xafiiska oo ay ka qayb-qaadan doonaan khubaro ku xeel-dheer Qoraalka Afka Soomaaliga ay tahay sidii ay u dhiirri-gelin lahaayeen hal-abuurka qoraalka.

“Waxaanu sameyn doona Xafiis faaf-reeb oo imika faraha lagu hayo, waa xafiiska aanu isleenahay, waxaad isugu-geysaan dad khubaro ah oo sixi kara qorista buugaagta bulshada lagu soo dhex-daynayo,” sidaas ayuu yidhi Wasiir Saleebaan Yuusuf Cali Koore.

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi“Waxaanu doonaynaa inaanu dhiiri-gelino qorista oo ay bulshadu ka faa’iidaysato inay dadku wax qoraan”.

Tallaabada xukuumaddu ku hir-gelinayso xafiiskan ay ku sheegtay Faaf-reebka Qoraallada Buugaagta ayaan la garanayn waxa wakhtigan keenay, iyada oo dadka wax odorosa ku tilmaameen inay tahay talaabo lagu wiiqayo xorriyada hadalka qoraalka iyo hadalka oo ay Somaliland ku hanno-qaaday.

Lama oga in shaqada xafiiskani qaabilsanaan doono ku kooban tahay faaf-reebka buugaagta oo kaliya, balse marka la eego qaabka ay u shaqeeyaan hay’adaha shaqada noocan ah qabta oo waddamo badan ka jira, kuwaas oo aanay shaqadoodu ku koobnayn qoraallada balse sidoo kale hawl-qabadkooda uu ka mid yahay faaf-reebka wararka iyo warbixinaha warbaahinta laga sii daayo.

Waddamada deriska oo uu ka mid yahay dalka Jamhuuriyadda Djibouti, waxa ka jira xafiisyo dowladeed qaabilsan faaf-reebka wararka iyo warbixinaha laga sii daayo warbaabinta madax-bannaan, kaas oo maamul ahaan hoos yimaadda wasaaradda Warfaafinta dalka Jabuuti. Xafiiskan ayaa faaf-reeb iyo dib u eegis ku sameeya wararka laga sii daayo telefishannada madax-bannaan iyo mareegaha Wararka oo aan baahin karin warar iyo qoraallo aan xafiiskan soo marin.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS