Maxaa Madaxwayne Muuse Biixi Ku Kalifay Inuu geed dheer Iyo Mid Gaabanba U Fuulo Helista Shirgudoonka
July 31, 2021 - Written by Ahmed ALI
Aniga siday ila tahay 3 qodob baa u muhiimdsan.
1. Horta Madaxwaynuhu in hanaan dawladnimo oo Baarlamaanku xoryahay, maxkamadu sideeda u madaxbanaan tahay fulintuna gaartahay in la sameeyo oo la dhiso xisaabtiisa koowad iyo labaad toona maaha. Yacnii Objective 1 uma aha dawladnimo qiyam iyo jirtitaan iyo kala xadaysnaan leh dhis oo taariikhda ku gal.
2. Mida Labaad Muuse dadku waxay ku xantaan nin aan waxba ilaabin oo ninkii abaal wanaagsan u galay iyo kii maalin il qaloocan ku eegayba aan dhaafin. Markay sidaa tahay waxay u eegtahay in Muuse Xasuus baa geel lagu xero geeyaa ay tahay waxa dabada ka wada ee uu ka duulayo. Markaa muxuu xasuusanyahay? Wax badan haday doonto ay kamid tahay Laba nin oo isku reer ah xisbiyada marka laga tago iyo adiga soo maaha markaa bal waa kiina badiya. Haduu doono caare muu ilaabin, Maxamuud Xaashi ma Ilawsana, Ku cadeeyaha ka leexday ee beeshiisa ah ma ilawsana. Waa nin wayn oo Dhawr jeer mujaahid noqday iyo khaakhaayiraadii.
3. Muuse fariin buu dirayaa ku saabsan doorashada dambe ee Madadaxtooyada. Yacnii shacabka Mucaaridka taabacsan waa fariin hor leh oo loogu sheegayo xataa haday is raacaan in aan Muuse waxba ka qaadi karin. 2 sano ku darsan karaa, markaas buu hadana divide aan rule shan imika u shaqaysay mar labaad kusoo bixi karaa.
Faysal iyo Ciro ayay noqotay maxay ku loolami karaan horta? Ma Nabada ayay ku loolami karaan? Ma Xisbiyo Mucaarid oo adag oo danta dadka u hadli kara oo la xeerinayo ayay ku loolami karaan. Waa maxay Political Bargaining ka ugu wayn ee ay haystaan. Aniga siday iila muuqato waa CALAACAL.
Muuse na nin calaacal iyo waanu ku asturnay ee sidaa ka daa ay wax ka qaadayaan maaha. Waa nin 3 da qodob ee aan xusay Miiska u saaranyihiin.
Qalinkii Xasan Gaadh-haye
Isha Ku Hay Baligubadlemedia
Like this:
Like Loading...
COMMENTS