BALIGUBADLE MEDIA
Madaxweyne Muuse Biixi Oo La Kulmay Oday Muuse Dalab Iyo Ganacsade Maxamuud Qaalib.
July 6, 2021 - Written by Ahmed ALI

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa la sheegay inuu ku booqday Gurigiisa oday Muuse Xirsi Abokor (Muuse Dalab) oo ka mid ah Odayaasha waaweyn ee dalka.

Lama sheegin ujeeddada ay daaranayd booqashadan, balse booqashada ayaa la tilmaamay in ay ahayd booqasho sharaf uu madaxweynuhu ugu tegay Guriga Oday Muuse Dalab.

Sawir uu bartiisa Facebooka uu baahiyey Weriyaha Caanka ah ee Axmed Siciid Cige, ayaa waxa isaguna ka dhex muuqday Maxamuud Qaalib, oo ah Ganacsade iyo Odayaasha Hargeysa.

Labadan Oday oo ay Madaxweynaha isku deegaan ka soo jeedaan, ayaanay isku wanaagsanayn muddooyinkii u dambeeyey, ka dib markii oo soo kala dhex galay isfaham waa la xidhiidhay hawlihii doorashadii iyo xulistii Xildhibaanadii Golaha Wakiillada, markaas oo laba murrashax oo ay kala wateen labadan ganacsade laga diiday dhinaca Kulmiye.

Tallaabadan uu qaaday Madaxweynuhu ayaa u muuqata mid ay isku laab xaadhanayeen Odayasha ay kala fogeysay Doorashadii dhawaan dalka ka dhacday.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Ahna Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye, ayaa fur furnaan dheeraad ah oo aan hore looga baran muujinayey tan iyo intii ka dambaysay doorashadii Isku sidkanayd ee dalka ka dhacday, taas oo Xisbigiisu ka helay 30 ka mid ah 82 Kursi ee Golaha wakiillada, halka 7 Degmo oo Darajada ‘A’ loo yaqaano shan ka mid ah Maayiradooda Mucaaradku kaga guuleystay.

Madaxweyne Muuse Biixi oo muddo xileedkiisa ay ka hadhsan tahay sannad iyo billo, ayaa la filayaa inuu ka shaqeeyo toddobaadyada soo socda sidii uu u kasban lahaa dad iyo deegaanno badan oo ay ku kala irdhoobeen doorashadii dhawayd.

Tallaabooyinka u horreeya ee la filayo inuu qaado-na waxa ka mid ah isku shaandheyn sal balaadha ah oo uu ku sameeyo Xukuumaddiisa.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS