BALIGUBADLE MEDIA
Xisbiga Kulmiye Oo Kulan Wadatashiya La Qaatay Xikdhibanadda Xisbiga Ee Golaha Wakiiladda.
June 15, 2021 - Written by Ahmed ALI

Xisbiga KULMIYE oo kulan Wada-tashi ah la qaatay xildhibaannada uga soo baxay golaha wakiillada

Hoggaanka sare ee xisbiga KULMIYE, ayaa maanta kulan ballaadhan oo wada-tashi ah la qaatay dhammaanba xildhibaannada cusub ee golaha wakiillada uga soo baxay xisbiga KULMIYE.
Kulankan oo ahaa mid qado ahaa, islamarkaana daba socday kulan kale oo uu maanta gelinkii hore xarunta qasriga madaxtooyada kula qaatay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ahna guddoomiyaha KULMIYE, Md. Muuse Biixi Cabdi xildhibaannada xisbiga KULMIYE, ayaa diiradda lagu saaray sidii loo dardargelin lahaa hawlaha culus ee xisbiga iyo xildhibaannadiisa horyaalla, loona diyaarin lahaa jawi wada shaqayneed oo ay iskula jaanqaadaan mudaneyaasha cusubi.

Kulankan oo ay hoggaaminayeen madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Saylici iyo guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE, Md. Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi-dheere), islamarkaana ay goob-joog ka ahaayeen xubno kamid ah golaha wasiirrada iyo dhammaan xubnaha xildhibaannada golaha wakiillada ee xisbiga uga soo baxay doorashadii bishii hore ee May dabayaaqadeedii qabsoontay, ayaa sidoo kale la isku waydaarsaday talooyin iyo soo jeedimo wax ku Ool ah oo dalka, dadka iyo xisbigaba manfac u leh.
Xubno kamid ah golaha wasiirrada iyo xildhibaanno halkaas ka hadlay, ayaa ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay inay wada-shaqayn dhaw yeeshaan xildhibaannada cusub ee xisbiga kasoo baxay iyo xukuumaddu, waxana ay soo jeediyeen in kulamo joogto ah la yeesho, afkaarta iyo talooyinkana la wadaago.

Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE, Md. Axmed Cabdi-dheere oo halkaas ka hadlay, ayaa hambalyeeyey xildhibaanada cusub ee xisbiga usoo baxay iyo guusha ay gaadheen, waxana uu kula dardaarmay inay isku duubnaadaan, danta deegaannadii laga soo doortay iyo midda qarankana ka shaqeeyaan.
Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo kulanka soo xidhay, ayaa dardaaran iyo waano u jeediyey xildhibaannada cusub ee xisbiga KULMIYE, waxana usoo jeediyey si daacadnimo leh qarankooda ugu shaqeeyaan, dhexdoodana noqdaan kuwo isku duuban oo talada wadaaga.

Ugu dambayntii waxa kulankan lagu kala qaatay qorsheyaal iyo hawlqabadyo lagu dardargelinayo hawlaha xisbiga iyo kuwa xukuumadda, kuwaas oo ay danta dadka iyo ta dalkuba ku jirto.

Isha Ku Hay Baligubadle media

COMMENTS