BALIGUBADLE MEDIA
Xildibaan Cumar Jaamac Oo U Sharaxan Shirgudoonka Golaha Wakiiladda Oo Fariin U Diray Madaxwayne Biixi.
June 29, 2021 - Written by Ahmed ALI

Xildhibaan Cumar Jaamac Faarax oo ka mid ah Mudaneyaasha cusub ee Golaha Wakiillada, isla markaana ah Xubinta Isbahaysiga Mucaaradku u qorsheeyeen inuu noqdo Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiillada, ayaa rejo ka muujiyey in ay Mucaaradku ku guuleysanayaan Shirguddoonka Wakiillada.

Mudane Cumar Jaamac oo u warramayey Badri Kozar oo ka tirsan Sahan TV, ayaa u soo jeediyey Madaxweyne Muuse Biixi in ka dhabbeeyo Dhaartii uu maray ee ahayd inuu dhex u noqon doono dadkiisa, caddaaladna uu ku maamuli doono.

Xildhibaan Cumar Jaamac Faarax oo ka hadlayey Xildhibaan ay isku deegaan yihiin, isla Xisbina ka soo wada baxeen oo ay ku loollamayaan Kuxigeenka koowaad ee Wakiillada, ayaa sheegay in Shirguddoonku baahan yahay khibrad iyo aqoon, isla markaana Isbahaysigu ay isaga u garteen inuu noqdo murrashax kuxigeenka koowaad.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS