BALIGUBADLE MEDIA
Siciid Cudhay Oo U Tanaasulay Cabdikariin Axmed Mooge.
June 11, 2021 - Written by Ahmed ALI

Tanaasulka Siciid Cabdisamad Cudhay, muxu ina tusayaa?

 

■ In aanu jirin Murrashax Maayar oo Xisbiyad Mucaaradku wataan, marka laga reebo Abdikariim Abdikarim Ahmed Mooge
■ Inuu Mooge yahay Murrashax keliya ee Xisbiyad Mucaaradku isku raaceen
■ In Mucaaradku haysto Xubno ku filan oo dooran kara Mooge.
■ In Xisbiga UCID yeelan doono Maayar Kuxigeenka Caasimadda
■ In Kulmiye aanu Hoggaanka Golaha Deegaanka Caasimadda waxba ku yeelan doonin.
■ In Abdikariim Mooge, taageeradii uu weydiistay Madaxweynaha uu ka maarmi karo, madaama oo caqabadii ugu weyn ee hortaagnayd xal loo helay, taas oo ahayd UCID, Faysal Cali Waraabe iyo Cudhay oo isku sidkanaa
■ Khadar yare oo Kuxigeenadiisa khalkhal galay, markii ay Xukuumadda u galeen Mooge iyo xubnaha taageersani ay meesha ka baxday.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS