BALIGUBADLE MEDIA
Mid Kamida Xildhibaanadda Kasoo Baxay Xisbiga Waddani Oo Xildhibaanadooda Uga Digay Inay Laaluush Qaataan.
June 18, 2021 - Written by Ahmed ALI

Xildhibaan Sheekh Siciid Maxamed Ismaaciil (Sokeeye) oo ka mid ah Xildhibaannada Golaha Wakiilllada ee cusub kana soo baxay Xisbiga Waddani, ayaa uga digay Mudaneyaasha Golaha Wakiillada in ay qaataan Laaluush, isaga oo xusay in ay taasi dilayso shakhsiyadooda iyo sharaftooda.

Sheekh Xildhibaan Sokeeye oo Salaadii Jimcaha ka khudbadaynayey Masaajid Hargeysa ku taala, ayaa xusay in haddii ay Xildhibaannadu laaluush qaataan in ay khiyaameeyeen dadkooda, waxaanu yidhi “Waxaan ka mid ahay dadka la doonayo in codkooda la iibsado, wax alaaliyo wixii ku dhisma xaq, wanaag ayaa ka yimaada, wixii baadil ku dhismana xumaan ayaa ka timaada, haddii aan maanta tago golaha Baarlamaanka aniga oo Siciid ah oo aan ogahay in aan qaatay lacag xaaraan ah, miyaa la iga filayaa inuu iga yimaado, hadal iyo ra’yi xalaal ahi ma iga imanayaa, hoggaan xalaal ahi ma iga imanayaa, nin ma noqonayaa, marka aan halkaas tago, sababtoo ah waxa aan ogahay in aan diciif noqonayo oo aan naftaydii iibiyey, oo kii aan ka iibiyey codkayga aanan ku odhan karin kalmad xaq ah, isaga oo baadil samaynaya, haddii aan codkayga iibsado waxa aan tegayaa anigoo nacas ah, waxa aan fadhiyayaa aniga oo nacas ah, waxaanan ka soo baxayaa aniga oo nacas ah.”

Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Waxaan leeyahay Walaalahayga maanta naloo wada doortay in aanu metelno bulshada, waxaan kula talinayaa in aynu Golaha Wakiillada tagno inagga oo libaaxyo ah, innaga oo fariido ah, innagoo rag ah, innaga oo Illaahay ka baqanayna, innaga oo aan cidnaba Ilaahay uga baqanayn, innaga oo bulshadeenna wax u qabanayna. Haddii aynu Laaluush qaadano waxa aad ogaataan in aynu khiyaamaynay dadkeennii”

Wargeyska Saxansaxo

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS