BALIGUBADLE MEDIA
Madaxwayne Biixi Oo Markii Ugu Horaysay Cadeeyay Inuu Yaasiin Faratoon U Wato Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda.
June 15, 2021 - Written by Ahmed ALI

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu caddeeyey inuu madaxweyne ahaan dhisayo oo ay ka go’an tahay sidii uu xildhibaan Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir u noqon lahaa guddoomiyaha golaha wakiillada Somaliland, isaga oo sharraxay sababaha keenay inuu noqdo qofka ugu mudan ee golahaas hoggaamin kara, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“Anigu waxan dhisayaa Prof. Yaasiin, dad baa jira la yidhaahdo AHLU BEDER oo maalintay adkayd dalkan wax ka qabtay, Badhasaabkii ugu horreeyey ee 1991kii iyada oo dadka oo dhammi qori wada sito ninkii ka hortegay ee nabadeey yidhi buu ahaa, Toddobadii shir ee Barri lagu qabtay ninkii ku jirey buu ahaa, dawladdii ugu horraysay iyo tii Cigaal ba ka mid buu ka ahaa, Taariikhdaas buu ku leeyahay, nasiibna wuu ku leeyahay.”

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS