BALIGUBADLE MEDIA
Goorma Ayey Soo Bixi Kartaa Natiijada Doorashayinka Isku Sidkan Ee Somaliland ?
June 1, 2021 - Written by Ahmed ALI

Guddoomiyaha Komiishanka doorashooyinka qaranka Mudane C/rashiid Maxamud Cali Riyo-raac ayaa ka dalbaday hawl wadeenada Komiishanka ee ku sugan goobihii codka laga dhiibtay waxaanu ku booriyey inay ka dhabeeyaan dhaartii iyo dhex dhexaadnimadii ay mareen ay codadka ku tiriyaan waxaa kale oo uu hawl wadeenada komiishanka uu u soo jeediyey inay goob joogayaasha Caalamiga ah iyo kuwa Maxaliga ahba ugu ogolaadaan tirinta Codadka.

Guddoomiyaha Komiishanka Doorashooyinka Qaranka C.rashiid Maxamud Cali Riyo raac wuxuu gabo gabadii sheegay inay ku rajo weyn yihiin in 24 Saacadood gudahood ay ku shaacin doonaan natiijada hor dhaca ee doorashada isagoo intaas ku daray in natiijada guud ee rasmiga ahi ay qaadan karto mudo toban cisho ah.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS