Golaha Wakiiladda Ee Cusub Wax Ka Beddel Maku Samayn Karaan Xeerka Furista Ururadda Ee Golaha Guurtidu Ansixiyay?
June 27, 2021 - Written by Ahmed ALI
Marshuca sharci ee labada gole ee Baarlamaanku isku raacaan, waxa Madaxwyanaha uu awood u leeyahay:
1. Inuu saxeexo oo ku soo saaro Faafinta Rasmiga ah 21 maalmood gudohood. Waxa uu dhaqangal noqonayaa 30 maalmood kadib.
2. Inuu diido ama soo jeediyo wax ka bedel: hadii uu sidaas yeelo waxa uu ku soo celinaya Golaha Wakiilada oo awood u leh:
B. Inay ku diidaan cod 2/3 ah soo jeedinta Madaxwaynaha. Taas oo ka dhigaysa xeerka mid dhaqangal ah ku ah sidii hore;
T. Inay aqbalaan soo jeedinta Madaxwaynaha;
J. Hadii ay ku diidaan cod ka yar 2/3, marshuuca sharci wuu burayaa (xeerku sidaas ayuu ku dhimanayaa).
Hadaba, Golaha Wakiilada ee cusub wax ka bedel ma ku samayn karaan Xeerka Ansixinta Urura Siyaasadda iyo Asxaabta Qaranka, hadii Madaxwaynuhu saxeexo oo uu noqdo xeer dhaqangal ah?
Jawaabtu waa: sharci ahaan haa, iyaga oo dabcan raacaya xeer hoosaadkooda. Habka wax ka bedelku se waxa uu mari doonaa habka xeer dejinta. Taas oo macneheedu yahay si Golaha Wakiiladu u buriyo Xeerkan qaybo ka mid ah waa inuu helo:
1. Ogolaanshaha Madaxwaynaha, hadii kale wuu ku soo celin karaa;
2. In dhamaan xubnaha mucaaradka ka soo baxay dhinac wada maraan islamarkaana ay soo raacaan ugu yaraan laba xubnood oo Kulmiye ah (si ay u helli karaan 2/3).
Markaas macneheedu waxa weeye farsmo ahaan uma hawl yaraan doonto.
Waxa Qoray Guleed Dafac
Like this:
Like Loading...
COMMENTS