BALIGUBADLE MEDIA
Caqabadaha Kajira Dawladaha Hoose Ee Somaliland.
June 7, 2021 - Written by Ahmed ALI

Meelkasta oo shaqo kasocoto waxa jira caqabado iyo fursado is barbaryaal halkan waxaan kusoo koobayaa qaar kamid ah caqabadaha ka dhex jira dawlada hoose ee somaliland:-

1. Dano shaqsiyadeed

Waxa jirta dano shaqsiyadeed oo ka dhexeeya maayirka iyo xooghaya dawlada hoose
Xoghayuhu wuxuu metela dawlada dhexe, waxa loogu talagalay inuu dheelitiro dawlada hoose, shaqooyinkiisa waxa kamid ah wuxuu la saxeexaa maayirka lacag kasta oo laga saarayo khasnada dawlada hoose taas oo ay tahay inuu hubiyo lacagtan sidee loo kharash garaynayaa? Halkee lagu kharash garaynayaa? Kharash kani mayahay mid munaasib ah? Xoghayuhu isaga oo eegaya waxa uu ka faaiidayo saxeexa lacagtan ayuu qalinka ku duugaa maayirkana wey kuwada socdaan intabadan.

2. Xildhibaanada lasoo doorto

Xildhibaan kasta waxa loo xilsaaraa degmada loo tirinaayo in reerkoodu dego halkaas oo uu dadka ku khasbo inay qorsheeyaan dhulka/beerohooda kedibna wuxuu ka qaadaa dhul danguud ah oo ay kala qaybsadaan maayirka badanaa wey iibiyaan! Dadka waxa kale oo ay ka qaadaan dhulkale iyaka oo kuyidhaahda waa kharashkii qorshaynta dhulka/beerta!

3. Shaqaalaha dawlada hoose

Waxa dawladaha hoose kashaqeeya shaqaale badan tusaale ahaan hargeisa waxa ka shaqeeya shaqaale kudhaw 1900, majirto baahi keentay oo lagu saleeyay shaqaalaynta dadkan, kaaga darane inta soo xaadirta shaqo maalmeedka waa ay yartahay, in badanina dibada ayay mushaharka ku qaataan!

Shaqaalaha dawladaha hoose badankooda laguma soo xulan aqoontooda iyo xirfadooda, badanaa waxa lagu keenaa garasho, inkasta oo ay jiraan qaar aqoon lihi hadana lama siiyo mushahar/guno ku filan oo udhiganta shaqada ay qabtaan! Tani waxay keentay inay niyad jabaan.

3. Mushaharka shaqaalaha

Shaqaaluhu ma qataan mushahar ku filan ama daboola baahiyaadkooda aasaasiga umana helaan si joogto ah! mushaharka shaqaaluhu bilaha qaar mahelaan oo 3 bilood ayaa isku gaadha! Balqiyaas qofka duruuftaas ku shaqeeya!

4. Miisaaniyada dawlada hoose

Inkasta oo ay kala duwan yihiin miisaaniyadaha dawladaha hoose tusaale ahaan sanadkii celcelis ahaan hargeisa waa $ 9 milyan! Berbera waa $ 11 milyan, gabiley $ 10 milyan!
Dhibtu waxa weeyi laguma saleeyo mashaariic qorshaysan oo mudnaan lakala siiyay, xisaab xidhna lama sameeyo sanadku markuu dhamaado.

5. Qaab dhismeedka maamul ee dawladaha hoose

Qaab dhismeedka maamul maaha mid kusalaysan baahi iyo waxqabad tusaale ahaan waaxyaha ay ka koobantahay looma eegin waaqica iyo baahida taala dawlada hoose!

6. Xildhibaanada la soo doorto oon aqoon badan ulahayn shaqada dawladaha hoose!

Inta badan xubnaha lasoo doortaa aqoon uma laha qaabka ay ushaqayso dawlada hoose iyo waajibaad kooda! Tusaale ahaan samaynta/dejinta siyaasad iyo qorshayaal cad-cad oo lagu shaqeeyo!

7. Gaadhsiinta Adeega bulshada

Caadiyan shaqada dawlada hoose waa bixinta adeegyada aasaasiga ah sida dhisida iyo dayactirka wadooyinka magaalada dhexmara/ama inta udhaxaysa kaantaroolada, laydhadhka wadooyinka, drainage system, dhisida xanaanooyinka, schoolska, garoomada kubada, ururinta iyo maaraynta qashinka, dhisida suuqyo lagu iibiyo cuntada iyo hilibka, meel xoolaha lagu qalo iyo bixinta liisamada ganacsiga yaryar.

Dhamaad

Waxa qoray: Mohamed Cabdi

COMMENTS