BALIGUBADLE MEDIA
Cabdikariin Axmed Mooge Haku Xisaabtamo Duruufaha Siyaasiga ah Ee Dalka Ka Jira.
June 9, 2021 - Written by Ahmed ALI

Somaliland siyaasaddeedu maaha meel hadyad wax la isku siiyo, si kasta oo shacabku ku wadaan, haddana duruufo dhab ah ayaa jira oo aan markasta ku caawinayn, dhaqan siyaasaddeed ka soo jireenka ah ee ku dhisan danaysiga siyaasiga ah, ka shakhsiga ah, ka deegaanka ah, ka xisbiga ah dhammaantood maaha wax is yar looga guuleysanayo.

Markaa Abdikariim Mooge, waa inuu ku xisaabtamo duruufaha jira oo aanu taagnaan halkii uu taagnaa markii uu doonayey codka shacabka, waayo waxa jira awood kale oo wadata dhaqaalaheeda iyo buuqeeda oo u baahan inuu ka dabaasho, si uu taasi uga samatabaxana waa inuu sameeyo wax kasta oo uu hankiisa iyo rajada dadkii doortay uu kaga dhabbaynayo, oo ay ka mid tahay inuu dhinaciisa loollanka jira ka galo, inuu xod-xodasho sameeyo, inuu raadiyo xataa kuwa Kulmiye ee uu u arko in ay caawin karaan oo iyaga laftoodu isbeddel doon ah, in haddii ay ku kelifayso qabyaalad farsamada ku dhisan ku eego, in dadka aqoonyahanka ah iyo waxgaradka adeegsado, inuu dad cadaadis ku samayn kara kuwa caqabada ku ah sameeyo.

Waxa Qoray Saleban Saxansaxo

COMMENTS