BALIGUBADLE MEDIA
Hogaamiyaha Waddani Oo Ka Hadlay Doorashooyinka Dalka Ka Socda.
June 1, 2021 - Written by Ahmed ALI

“Qaranka Somaliland wuxuu gaadhay halbeegii dimuqraadiyadda ee uu dunida ugu sheegi lahaa in uu xaqiijiyay doorashooyin xor ah oo xalaal ah, kuwaas oo aan inta badan Africa ka dhicin” Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan

Hoggaamiyaha xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa ku bogaadiyey shacabka Somaliland, si nabad gelyada iyo ilbaxnimada leh ee ay codkooda u dhiibteen.
Hoggaamiye Xirsi, waxa kale oo uu bogaadiyey Komishanka doorashooyinka oo uu sheegay in ay qabteen hawl culus, waxaanu yidhi “Waa Ilaah Mahadii in Doorashadii si nabadgelyo ah ku soo xidhantay oo xogta ka imanaysa goobaha intooda badan aan dhaawac iyo dhimasho minda laga soo sheegin. 31/May/2021 waa maalin taariikhi ah oo ay qabsoomeen labadii doorasho ee isku sidkanaa ee Wakiilada iyo Deegaanka.
Waxaana bilaabmay tirinta sanaaduuqda codaynta iyo in loo soo walwaalo xarumaha Komishanka Doorashooyinka ee Gobalada iyo degmooyinka. Waxaa xaqiiqo ah in Bandhigii siyaasadeed ee ay musharixiintu isugu dhoolatusanayeen uu dhamaaday, Xisbiyada Somaliland waxay gaadheen ujeedooyinkoodii siyaasadeed, Komishanku wuu dhamaystiray farsamo ahaan xil gudashadoodii waxaana laga sugayaa dhawaaqii ay ku kala saarayeen Xildhibaanadii soo baxay iyo kuwii hadhay, Qaranka Somalilandna wuxuu gaadhay halbeegii dimuqraadiyadda ee uu dunida ugu sheegi lahaa in uu xaqiijiyay doorashooyin xor ah oo xalaal ah, kuwaas oo aan inta badan Africa ka dhicin. Waase haddii aanay soo bixin foolxumooyin dhaawaca natiijada oo xaaraantimeeya doorashadii dhacday Alleba inaguma keeno!

Ugu danbayna waxaa guulaystay xildhibaanada muuqaaladii isu soo baxyada iyo masrixiyadihii siyaasadeed u bedelay codka ee gaadhay 82ka kursi ee loo tartamaayay, wixii la filaaba waa labada xisbi ee mucaaradka ah oo ku guulaysta inta badan ee kuraasta iyo Xisbiga Waddani oo hoggaamiya natiijada insha allaahu tacaalaa. Ilaahaw nabad inoogu dhamaystir oo noo rumee Rejada Shacabkayga.

Waa mahadsanyihiin muwaadiniinta codeeyay iyo intii ka shaqaysatba.”

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS