BALIGUBADLE MEDIA
Wasaaradda Waxbarashada Oo Ka Jawaabtay Hadal Kasoo Yeedhay Shirkadda Hemo Books.
May 13, 2021 - Written by Ahmed ALI

War-Saxaafadeed ku saabsan hadalada ay warbaahinta marinayso HEMABOOKS ee aan sal iyo raadka lahayn.

Wasaaradda Waxbarashada iyo Saynisku waxa ay heshiis la gashay Shirkada daabacaada ee HEMA Books taariikhdu markay ahayd 27/04/2016.

Nuxurka heshiiskaasi wuxuu ahaa in shirkada HEMA books daabacdo buugta manhajka dugsiyada hoose, dhexe iyo Sare.

Heshiiska waxa si cad loogu sheegay waajibaadka iyo xuquuqda labada dhinac
Kaasoo lagu cadeeyay lahaanshaha Manhajka Waxbarashada Qaranka inuu yahay hanti qaran.

Waxa xusid mudan in heshiiskaa qodobkiisa 5aad farqadiisa 2aad uu sheegayo in aan kaabis iyo wax-ka-badel lagu samayn karin manhajka, haddii aan qoraal labada dhinac aanay si rasmi ah u saxeexin.

Sidoo kale, waxa heshiiska ku cad qiimaha lagu iibinayo buugaagta waxbarahada qaranka.

Haddaba waxaa soo baxay arrimaha soo socda oo werwer geliyay wasaaradda, ardayda iyo waalidiinta oo tusaale ahaan looga soo qaadan karo kuwa soo socda:

1. Shirkada HEMA Books waxay isku saanad daabacday buugaag isku maado iyo fasal ah balse ubucdoodu kala duwan tahay; iyaddoo wax-ka-badelkaa aan laga talo gelin Wasaaradda Waxbarashadda.

Ka dibna, ardayda dugsiyada iyo bulshadda ayaa wasaaradda si joogto ah u waydiin jirey su’aalo ay ugu badnayaayeen: labaddaa buug midkeebaanu iibsanaa? Keebayse wasaaraddu imtixaanka ku qaadaysaa?

Sidaa awgeed, waxaa bilaabay werwer ah suuragalnimadda in dalka la keeni karo buugaag qoraalka uur jiiftoodu xambaarsan yahay waxyaabo lid ku ah qaranimadda, xeerarka dalka, diinta iyo dadnimadda.

2. Waxa soo baxday in shirkada HEMA Books ay buugta waalidiinta kaga iibisay qiimo ka sareey qiimihii ay Wasaaraddu kula heshiisay taas oo ah sharci jabin ah.

3. Waxa kale oo soo baxday buugta waxbarashada qaranku inay dhowr jeer kala go’een, taas oo marka Wasaaraddu HEMA waydiinso sababtana ay shirkadu ku doodo in buugtu daabacadii ku jiro, buugtaas oo dalka debadiisa lagu soo daabici jiray.

4. Waxa kale oo soo baxday in aan shirkada HEMA Books gaadhsiin adeega buugta goobihii loogu talo-galay oo ah in ay gobol iyo degmo kasta gaadhsiiyaan si ardaydu buugta uga iibsato.

Haddaba, Wasaaraddu iyadda oo tixraacaysa qodobada heshiiska ay shirkada HEMA kula jirto iyo cabashooyinka bulshada uga imanaya ee sare ku xusan, Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska ayaa Guddi Farsamo u saartay arrinta si ay Shirkada HEMA Books ula kulmaan, ugana waraystaan xaalada taagan ee la xidhiidha daabacaada Buugaagta Manhajka Qaranka.

Ujeedda guddigaa loo saarayna waxa ay ahayd in laysla eego cabashooyinka jira, heshiiska labada dhinac, lana xoojiiyo nidaamka wadashaqayneed ee u dhaxaysa Wasaaradda iyo Shirkada HEMA Books si bulshada loogu adeego hufnaan iyo hagar la’aan ka turjumaysa danaha ardayda.

Guddida waxa wareegto ku magacaabay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska markay taariikhdu ahayd 09/09/2020.

Guddidu waxa ay ilaa 7 jeer isku dayday in ay kulan la samayso shirkada HEMA BOOKS.

Balse shirkadaasi waxa ay si badheedh ah u diiday in ay la kulanto guddida.

Guddiduna baadhistii ay ka sameeyeen cabashadii bulshada waxay warbixin ahaan kula wadaageen Wasaaradda.

Iyaddoo arrintu halkaa marayso ayaa waxa soo baxay Xeer Madaxwayne Lr.08/102020 kuna taariikhaysan 15/10/2020, sumaddiisuna tahay JSL/XM/XM/249-561/102020 kaas oo waajibinaya in dhammaan daabacadaha dawlada lagu wareejiyo Madbacadda Qaranka.

Haddaba Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashadda oo fulinaya amarka Madaxwaynaha ayaa 15/4/2021 soo saaray warqad lagu wargelinyo shirkada HEMA in daabacaadii manhajka lagu wareejiyey Waakaalada Madbacada Qaranka. Isla markaana ka codsaday in soft-copy-ga ay hayaana ay ku wareejiyaan Wakaaladda.

HEMA Books waxay warqadaa kaga soo jawaabeen qoraal buug ah oo ka kooban dhaleecayn, liidid iyo aflagaado ku wajahan madaxda sare iyo laamaha ee ay arrintani khusayso oo aanay waxba ula hadhin.

Qoraalkaas oo ka arradnaa milgaha iyo maamuuska qoraalka suuban oo shakhsi weerar u badnaa wasaaraddu kamay jawaabin ee dulqaad bay duuduub ugu liqday.

Markii Wasaaraddu ka jawaabi wayday ayay haddana HEMA Books soo qoreen qoraal labaad oo ay kaga dacwoonayaan Wasaaradda.

Warbixintaa aanu sare ku xusnay waxay MARAG CAD u tahay hadalka aan loo meel dayin ee ay warbaahinta marisay shirkada HEMA Books ee ahaa in hawshaa aan waxba lagala socodsiin oo uu yahay “GO’AAN GOLE KA FUUL”.

Ugu dambayn,
waxa xusid mudan in shirkada HEMA Books ay wasaaraddu la gashay heshiiska ay qodobaddiisa ka mid ahaayeen in labada dhinac awood u leeyhiin in ay ka baxaan heshiiska.

Haddaba, wadashaqaynta labadda dhinac ka dhaxaysa waxaa sal u ahaa Wareegto Madaxweyne iyo heshiis ay kala saxeexdeen Wasaaradda iyo HEMA Books.

Go’aanka cusub ee Daabacaada Buugta Manhajka lagu wareejiyey waxaa sal u ah Xeer Madaxweyne iyo heshiis ay kala saxeexdeen wasaaradda iyo Madbacadda Qaranka.

Markaa HEMA Books saxeexa Madaxweynihii iyo Wasiirkii hore sharci bay u aqoonsan yihiin. Balse saxeexa Madaxweynaha iyo Wasiirka hadda joogana waxay ku tilmaameen sharci darto iyo in aanay lahayn awood ay kaga qaadaan

Sidaas darteed waxa aanu mar labaad halkan ka cadaynaynaa in aan arrinkani ahayn arrin ku soo boodo ah, ee uu yahay arrin maraaxil kala duwan soo maray. Taasoo muddo ku siman 9 billood soo socday.

Balse Xeerka Madaxweynaha ayaa ah go’aanka kama dambaysta ah ee dawlada oo koobsanaya hawlahaas.

Eebbaa Mahad Leh

Xubnaha Guddida Farsamo

1. Amiin Maxamed Axmed Agaasimaha Waaxda Qorshaynta.

2. Maxamed Saleebaan Cumar.
Agaasimmaha Waaxda Maamulka iyo Lacagta.

3. Cawil Xuseen Geedi.
Agaasimaha Waaxda Manaahijta.

4. Ismaaciil Cismaan Cali
Maamulaha Xafiiska Wasiirka.

5. Xuseen Cabdi Cawil
Agaasimaha Waxbarashada Tooska ah.

6. Yuusuf Xuseen Maxamed
Agaasimaha Waaxda Hantida Waxbarashada.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS