BALIGUBADLE MEDIA
“Si Cad Waxaanu U Qeexaynnaa In Aannaan Xisbi Ahaan Marnaba Aqbali Karin Sii Socodka Xadhiga Iyo Tacaddiyada Ka Dhanka ah Murashixiinta Xisbiga WADDANI “Guddoomiye Cirro”
May 4, 2021 - Written by Ahmed ALI

Hargaysa (BGM) Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa ka hadlay kulan uu maanta kula yeesheen Magaalada Hargeysa Safiirka Cusub ee Boqortooyada Ingiriisku u soo Magacowday Dalalka Jamhuuriydda Somaliland iyo Soomaaliya, Marwo Kate Foster iyo Madax ka socotay Xafiiska Ingiriiska ee Magaalada Hargeysa.

Guddoomiye Cirro, oo ka hadlayey waxyaabihii ay ka wada hadleen, waxa uu yidhi

“Waxa aan galabta anniga iyo Hoggaanka Sare ee Xisbiga kulan la qaadannay Safiirka Cusub ee Boqortooyada Ingiriisku u soo Magacowday Dalalka Jamhuuriydda Somaliland iyo Soomaaliya, Marwo Kate Foster iyo Madax ka socotay Xafiiska Ingiriiska ee Magaalada Hargeysa.

Safiiradda waxa aan si ban-yaalnimo ah uga wada hadalnay hannaanka qabashada doorashada isku sidkan ee muddeysan, tacadiyadda joogtada ee Taliyaha Boolisku ku hayo Murashixiinta Xisbiyada Mucaaradka ah, Xadhiga qayral-Dastuuriga ah ee lagu haysto Xubno Musharrixiin ah oo ay ansixiyeen Komishinka Doorashooyinka Qaranka isla markaana haysta xasaanaddii Xeer Lr 91/2020 uu siiyey Murashixiinta.

Si cad waxa aanu u qeexaynnaa in aannaan Xisbi ahaan marnaba aqbali karin sii socodka xadhiga tacaddiyada ka dhanka ah ee Murashixiinta Xisbiga WADDANI, waxaanan Xukuumadda ugu baaqayaa in ay xorriyaddiisa u soo celiiso Musharaxa Qaasim Aadan Saleebaan oo siffo sharci darro ah Boolisku ku haystaan isla markaana ay sharciga ku tunteen.”

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS