BALIGUBADLE MEDIA
Shacabka Waxaan Ku Boorinayaa Inay Doorashadda Ku Galaan Isku Duubni Walaalnimo Iyo Dal Jacayl.
May 22, 2021 - Written by Ahmed ALI

“Shacabka waxa aan ku boorinayaa in ay doorashooyinka ku galaan isku duubni, walaalnimo iyo dal jacayl, kana dhigaan mid cadawgeenu ka naxo.” Madaxweyne Muuse Biixi.

Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ugu baaqay shacabka Somaliland isku duubni iyo walaaltinimo, isla markaana ay doorashada galaan iyaga oo gacmaha is haysta, si cadowga Somaliland uga nixiyaan “Shacabka Somaliland waxa aan ku boorinayaa in ay doorashooyinka isku sidkan ee dhici doona 31 May in ay ku galaan isku duubni, walaalnimo iyo dal jacayl, kana dhigaan mid cadawgeenu ka naxo, inta Somaliland jecelina ku faraxdo.”

Madaxweynuhu waxa uu Xisbiyada ugu baaqay in ay xil iska saaraan amniga iyo nabad gelyada, waxaanu yidhi ” Xisbiyada Qaranka, muxaafid iyo mucaaradba, Murashixiinta iyo shacabka codka bixinayaba, waxa aan ugu baaqayaa in ay hor mariyaan danta Qaranka, xil weyna iska saaraan amniga iyo nabad-gelyada dalkooda, gaar ahaan maalmaha doorashooyinka.”
Hadalkan Ayaa qayb ka ahaa khudbadii uu jeediyey Xuska 18 May

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS