BALIGUBADLE MEDIA
Madaxda Saddex Xisbi Oo Kulan La Qaatay Wafti Ka Socda Beesha Caalamka.
May 29, 2021 - Written by Ahmed ALI

Hoggaanka sare ee Saddexda Xisbi Qaran ee Jamhuuriydda Somaliland ayaa kulan la qaatay Wefdi isugu jira Safiirro iyo Diblomaasiyiin ka socday dalalka Beesha Caalamka ka taageera Somaliland dimuqraadiyadda oo dalka u yimid arrimaha doorashooyinka isku sidkan.

Wefdiga ka socday saaxiibada Somaliland ayaa ay kala yihiin Wufuud ka socota 9 dawladood iyo 9 Danjire kuwaas oo ay wehelinayaan Diblomaasiyiin sarsare si ay ugu kuurgalaan arrimaha doorashooyinka JSL ee qabsoomaya 31-ka May.

Xisbiyada iyo Beesha Caalamka ayaa iska xog wareystay habsami u socodka hawlaha doorashooyinka isku sidkan, waxaana ay weftiga Beesha Caalamku tilmaameen in ay u socdaan dhiirri-gelinta Xisbiyada, is-barbar istaagga dimuqraaddiyadda Somaliland iyo la socodka sida ay u socdaan u diyaar-garowga doorashada iyo waliba sida ay u qabsoomayaan.

Dalalka Beesha Caalamka iyo Xisbiyada ayaa si weyn uga soo wada shaqeeyay sidii ay doorashadu u suurto geli lahayd, isla markaana dedaal weyn geliyay in ay Somaliland ka qabsoonto doorasho la isla wada ogol yahay oo isku sidkan.

Madaxda kulanka uga qayb gashay Xisbiga WADDANI ayaa kala ahaa Guddoomiyaha Xisbiga Dr Cabdiraxmaan Cirro, Guddoomiyaha KMG Xil Cabdilqaadir Jirde iyo Xoghayaha Gaarka ah Mudane Cabdulqaadir Iidle.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS