BALIGUBADLE MEDIA
Khasaaraha Ka Dhashay Raxmaadkii Maanta Ka Da’ay Hargeysa.
May 1, 2021 - Written by Ahmed ALI

Khasaaraha ka dhashay daadadkii iyo roobkii maanta ka da’ay Hargaysa iyo tirada Gaadiidkii uu qaaday , guryihii uu gudaha u galay oo Ciidanka Dab-demisku ka hawl-galeen.

1. Tirada dadka laga soo badbaadiyay Daadadka : 172 Qof.

2. Gaadiidka laga soo badbaadiyay Biyaha Dooxu iyagoo sita : 3 Gaadhi.

3. Guryaha daadku gudaha u galay ee ciidanku u gurmaday : 49 Guri.

4. Gaadiidka khasaaruhu soo gaadhay ee daadku la tegay : 12 Gaadhi.

5.Guryaha khasaaruhu soo gaadhay : 18 Buul iyo hal Jiingad ah.

Ma jirin dhimasho iyo dhaawac uu sababay Roobabka maanta ka da’ay magaalada Hargeysa.

Laamaha kale ee dawlada ayaa iyaguna dhankooda heegan buuxa ka galay daad gureynta iyo samatabixinta dad iyo duunyo.

Ugu dambayna ciidanka Dab-demiska Somaliland wuxuu halkan farriin uga dirayaa bulshada ku nool Somaliland inay markastaba ka taxadaraan goobaha Dooxyada iyo Biyo mareenada.

Xafiiska Warbaahinta CDQ

COMMENTS