Hemo Books Oo Ka Hadashay Hadalo Kasoo Yeedhay Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada.
May 11, 2021 - Written by Ahmed ALI
“Haddii aanu moodayno in inta uu Wasiir Iska soo tooso Odhanayo, Madbacadda Qaranka ayaa ku wareejinay shaqadii aanu bulshada u haynay, maal gashiga intaas leeg maanu samayneen.” Cabdiraxmaan Nuux Cigaal, Shirkadda HEMO Books

Shirkadda HEMO Books, ayaa sheegtay in ay aad ula yaabtay in ay warbaahinta ka arkaan in Wasaaradda Waxbarashadda oo sheegaysa in Hemo lagu wareejiyey hawshii Daabacaadda Manhajka qaranka ee ay hore heshiiska ugula gashay Xukuumaddu hore ee Siillaanyo.
Cabdiraxmaan Nuux Cigaal oo ka mid ah Masuuliyiinta Shirkadda HEMO Books, ayaa sheegay in wax laga weydiin, la tashina aan lagala samaynin go’aanka Wasaaradda Waxbarashada, isaga oo wax laga xumaado ku tilmaamay go’aankaasi oo uu sheegay inuu ka hor imanayo heshiiskoodii hore oo uu sheegay inuu ahaa mid dariiq sharci ah loo maray
“Haddii aanu moodayno in inta uu Wasiir Iska soo tooso oo uu warbaahinta soo istaago Inuu odhanayo Madbacadda Qaranka ayaa ku wareejinay shaqadii aanu bulshada u haynay, maal gashiga intaas leeg maanu samayneen ee waddamo kale oo sharcigoodu adag yahay ayaanu maal gashan lahayn” ayuu yidhi Cabdiraxmaan Nuux Cigaal
Isha Ku Hay Baligubadlemedia
Like this:
Like Loading...
COMMENTS