BALIGUBADLE MEDIA
Fariin Wacyigalineed Oo Ku Socota Warbaahinta Somaliland Sida Ay U Shaqaynayso Wakhtiga Doorashadda.
May 29, 2021 - Written by Ahmed ALI

Weriyaha Iyo Xarumaha Warbaahinta waxa looga baahan yahay Masuuliyad gaar ah inuu isa saaro maalmaha soo socda ee lagu jiro saddexdan Weji ee doorasooyinka la xidhiidha.

 

Maalmaha soo socda ee ay u horreyso 31 bisha May, haddii Rabbi Idmo, waa maalmo qaran ahaan iyo bulsho ahaanba, muhiim u leh Jamhuuriyadda Somaliland, waa maalmo xasaasi ah oo qof kasta ay waajib ku tahay inuu Masuuliyad muujiyo Madaxweyne illaa qof caadiga ah ee muwaadinka ah.

Cidda looga baahan yahay masuuliyadda weyn in ay muujiyaan maalmaha innagu soo foodda leh, waa Weriyeyaasha iyo Xarumaha warbaahinta, madaama ay yihiin kuwa xogta iyo wararka bulshada u soo tebiya.

Maalmaha codeynta, tirinta codadka, natiijada iyo maalmaha ka dambeeya ku dhawaaqista natiijada doorashaduba, waa maalmo ka xasaasisan maalintii qaybta ka ahaa Geeddi socodka doorashada, sida diiwaan gelintii codbixiyeyaasha, xulistii iyo kala reebistii Murrashaxiinta iyo Ololihii doorashada.

Maalmahan waa in Weriyuhu muujiyo waddaniyad iyo xilkasnimo, isaga oo ka duulaya duruufaha jira, waafajinayana soo gudbinta Wararka iyo macluumaadka doorashada ee loo baahan yahay, isaga oo maanka ku yahay runimada warka, cidda laga soo xiganayo ee xogta bixinaysa in ay tahay tii ku haboonayd ee laga soo xigan lahaa, isla markaana ka hor inta aanad war ahaan u soo gudbin miisaanka saaraya, sida saameynta ka dhalan kara, dhibaatada ay keeni karto, mid amni iyo mid sumcaddeedba.

Maalmahan waa in Suxufiyiintu aad iska ilaaliyaan kana taxadiraan cidda xogta siinaysa amma ilo-wareedyada ay ka xiganayaan hawlaha doorashada, waayo xogaha ay bixiyaan Murrashaxiinta iyo Xisbiyadu ee la xidhiidha codeynta, tirinta codadka iyo natiijada, maaha kuwo la wada qaadan karo, maalmahan maah kuwii murrashaxiinta iyo Xisbiyada.

Maalmaha waa maalmo isha warka laga qaadayo ay ugu mudan yihiin Komishanka doorashooyinka, wixii la xidhiidho hawlaha doorashada, halka wixii ammaanka khuseeya ee la tebinayo ay muhiim tahay in ay Wasaaradda Arrimaha Gudduhu ka hadasho.

Labadan Hay’addahood ayaa u baahan in ay Warbaahinta iyo Weriyeyaasha u diyaariyaan Masuuliyiin si joogto ah ula hadla oo wixii xog ah ee kolba soo kordha la socodsiiya bulshada.

Tani way yarayn kartaa waxyaabaha ku-tiri-ku-teenta ah ee sida fudud ku faafi kara, ee hadhowna saameynta yeelan kara.

Arrinta kale ee Muhiimka ah ee weriyeyaasha looga baahan yahay, gaar ahaan marka ay tahay dhinaca baraha bulshada waxa weeye in maalmahan oo kale la iska ilaaliyo soo ginguurinta (Copy and past) xogta aan la hubin ee hal qof soo dhigo in aad ku deg deg in si fudud u qaadato oo aad soo dhigto.

Maalmaha waxa badnaan doona waxyaabaha mala-awaalka ah ee la xidhiidha natiijada doorashada, waxa loo baahan yahay in ay Weriyeyaashu xil iska saaraan arrintaas oo ay ka fogaadaan natiijooyinka hordhaca ah ee aan ka soo bixin meel aan ahayn Komishanka.

Sidoo kale, waxa dhici karta in Weriyeyaal aan reer Somaliland ahayn ay buun buunin kara waxyaabaha iska caadi ah oo xilliga doorashada dhaca, kuwaas laftooda waa in ay weriyeyaasha reer Somaliland aanay u sii faafin buun buunintooda, oo aanay ku dagmin odhaahdooda caanka ah ee ah miyaad Weriye dhex-dhaxaad ah ahayn.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS