BALIGUBADLE MEDIA
Xildibaan Bidhi oo Ka Dayriyay Xaaladda Hogaamineed ee Dalka.
April 2, 2021 - Written by Ahmed ALI

Dawlad waa tii dhaqalaha furfurta, isla markana suuqa ganacsiga xorta ah dhiiri gelisa. Hase yeeshe, maanta dhaqdhaqaaqi ganacsiigu wuu tagan yahay oo dad gaar ah ayaa loo xiidhay ganacsiigi. Tusaale ahaan, diyaradahi dalka iman jiray fly dubai iyo Alcarabiya iyo shidaalki ganacsatadu keeni jirtay ayaa ka mid ah kuwa ooda loo rogay, amaba lagula wareegay sifo aan qumanayn, sharcigana waafaqsanayn.

Dhinaca kale, Waxaa si baaba ‘aysa haybadi dawladnimo iyo qaranimo, iyado aad arkaysid ln dhalinyaro madaxweynaha reerkiisa kasoo jeeda oo an wax xila haynin, oo hadana mas’uuliyiin sarsare oo xukuumadda ka tirsan amar siinaya iyagoo isticmaalaya shaadhka madaxweynaha, marar badan oo kale, waxaynu aragnaa wiilasha madaxweynaha oo dad shacab ah hagardaamaynaya, markay doonaana iska xidhanaya iyagoo aan wax sharci ah u maraynin, taasina waa waxii Siyaad Bare ka diidnay kuna samaysantay SNM.

Docda kale, Marka la eego dhanki xisbiga, Xisbiga kulmiye waxuu ahaa xisbi balaadhan oo ay ku wada jiran gruupo kala fiikira, balse isku hadafa oo ku midaysan guusha kulmiye, waana ta kentay in Kulmiye ku guulayso doorashoyinka dalka soo maray oo dhan, sida laba gole degaan, mid barlamaam iyo laba madaxtooyo ugu danbaysay 2017 oo Muse Bixi ku yahay Madaxweyne . Guushaas waxaa hormood u ahaa, dadka kala fikirka ahaana isku waday asaasihi kulmiye Madaxweynahi hore Axmed Silanyo.

Maanta se kulmiye waxa la wareegay hal gruup oo heeshis ku ah la dagaalanka Madaxweynahi hore ahaana gudoomiyihi kulmiye Axmed Silanyo iyo aasaasayaashi xisbiga Kulmiye iyo tageerashoodi.

Xaalad binu-aadamnimo oo isugu jira mid caafimaad darro, mid biyo la’aaneed iyo mid baad ayaa si weyn u halakaysay deegaanada Somaliland, aafada ugu darani waa tan COVED 19 ee sida ba’an u naafaysay deegaanada Barriga Somaliland, sababtayna inuu Isuduwihii wasaaradda Caafimaadka Gobolka T/dheer Dr Adan Casayr iska casilo xilkiisii, kadib markii uu damiiriyan xamili waayay sida ay dadkiisii ugu hoobanayaan xanuunkan iyo gaabiska xukuumadii uu ka tirsanaa ku wajahday la tacaalida dhibkan caafimaad ee dadkiisa haleelay.

Gebagabadii, arimahan iyo qaar kaloo badan oo aanan halkan ku xusini waxay tusaale u yihiin sida shacabka hungo uga joogo waxtarka dawladnimo iyo tan maamul ee hogaamiyihii ay doorteen afar sano ka hor oo isu rogay hogaamiye qoys iyo kaabe qabiil aan lahayn wax aragti qaran ah, aynu haatan taagan tahay waqtigii dadku dib u tashan lahaayeen, ee ay masiirkooda danbe wax iskaga waydiin lahaayeen.

Sawiirkaasi waa mid ka mida olaalihi magaaladu waa shashcade.

Xildhibaan Mubaarik Yuusuf(Bidhi)
Asaasayashi Xisbiga Kulmiye

COMMENTS