BALIGUBADLE MEDIA
Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka oo Fariin U Diray Ardayda U Fadhiisanaysa Imtixaanka Shahaadiga Ah.
April 9, 2021 - Written by Ahmed ALI

Guddoomiyaha xafiiska imtixaanaadka qaranka JSL Daa’uud Axmed Faarax waxa uu ardeyda fasallada 4-aad ee dugsiga sare ee u fadhiisan doona imtixaanka shahaadiga ah ee sannad dugsiyeedka 2020- 2021-ka kula talinayaa, in ay awooda saaraan akhriska duruusta fasallada afraad ee dugsiga sare.

Imtixaanka fasalada afraad ee dugsiga sare ee sannad dugsiyeedka 2020-2021 ayaa boqolkiiba todobaatan (70%) ka koobnaan doona fasalka 4-aad ee dugsiga sare, halka 30% ka kalena uu noqon doono fasalada form 1, form 2 iyo form 3 oo min toban beersan (10%) ah.

Maadaama oo ay sannadahan jireen duruufo caafimaad daro oo uu keenay xanuunka COVID19, kaas oo saamayn ku keenay nidaamka waxbarashada dalka.

Sidaa darteed, waxa uu ardeyda ku baraarujinayaa, in ay awooda saaraan casharada fasalka afraad ee dugsiga sare.

Geesta kale, imtixaanka fasallada 8-aad ee dugsiga dhexe waxay iyaguna awooda saari doonaan duruusta faska siddeedaad kaas oo boqolkii ba todobaatan 70% uu noqon doono fasalka 8-aad.
Fasalada kalena ay min 10% noqon doono.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS