BALIGUBADLE MEDIA
“Waxaan rabaa inaan iftiimin ku sameeyo arinta xisbiga Waddani mucaaridada ka raadiyay” Af-hayeenka Xisbiga Kulmiye Cabdinaasir Buuni
April 12, 2021 - Written by Ahmed ALI

“Waxaan rabaa inaan iftiimin ku sameeyo arinta xisbiga Waddani mucaaridada ka raadiyay”

Af-hayeenka Xisbiga Kulmiye Cabdinaasir Buuni, ayaa jawaab deg deg ah ka bixiyey qoraal, uu qoray Af-hayeenka Xisbiga Waddani Barkhad Jaamac Batuun, waxaanu ku yidhi qoraalkan Afhayeenka Kulmiye

“Saaka oo ay bishu ahayd 12 bisha Abril waxaa kulan ku yeeshay wasaaradda diinta iyo awqaafta ee Somaliland , Wasiirka Wasaaradda Diinta Iyo Awqaafta Somaliland iyo Imaam-yada masaajidada dalkan Somaliland intoodii badan ,

kulankan waxaa diiradda lagu saarayay sidii la isku waafajin lahaa habraaca xanuunka Coved-19 iyo bilashada bisha barakada iyo xurmadda mudan ee Ramadaan alle khayrkeeda hayna siiyee oo ah bil cibaado oo ay ku jirto Salaada Taraawiixda .

Kulan kaa waxaa la iskula waa.faqay in maalinta Arbacada la iskula soo noqdo go’aamo lagu dabaqayo cibaadada bisha Ramadaan mana jirto amar ku aadan Taraawiixda oo wasiirka diintu soo saaray balse waxaa u wasiirku bixiyay talooyin sida .

1. In salaadda Taraawiixda lagu Oogo guryaha .
2. In salaadaha faralka ahna qofku soo qaato sijaayad u ku tukado.
3. In guryaha laga so waysaysto .
4. In qofku soo xidho af-saab .

Xukuumadda Somaliland ayaa ka masuula badbaadada shacabka Somaliland ilaahay ka sokow , qof suuqa ka hadla waxba laga weydiin maayo arimaha diinta .

Shacabka Somaliland waxaan u rajaynayaa fadliga dhalashada bisha ramadaan in rabi ka aqbalo kana dhigo kuwo dhamaysta khayrka bishaasi xambaarsam tahay ,
Ramadaanta caafimaad ku dhameysta”

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS