BALIGUBADLE MEDIA
Wasiirka Warfaafinta Somaliya oo Rabshado Ka Dhacay Muqdisho Ku Eedeeyay Isbahaysiga Muncaaradka.
April 26, 2021 - Written by Ahmed ALI

Wasiirka Wasaaradda warfaafinta somaliya cismaan abokor dubbe ayaa rabshado Galabta ka dhacay magaaladda Muqdisho Ku eedeeyay isbahaysiga muncaaradka Somaliya Wasiirka oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi:

“Is bahaysiga qaran dumiska oo kaashanaya qaar ka mid ah dawladaha aan dariska nahay ayaa isku dayay galinkii dambe ee maanta inay fowdo iyo dagaal galiyaan shacabka Soomaaliyeed ee soomman ALLE Mahadi hawlgali waqti kooban qaatay ayay ciidanka qaranka ee geesiyaasha ah ku soo afjareen falkaas gurrucan”

Rabshadahan ayaa loo sababaynayaa  muddo kordhintii dhawaan baarlamanku u sameeyeen Madaxwayne Farmaajo taasoo isbahaysiga muncaaradku aad uga soo horjeesteen.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS