BALIGUBADLE MEDIA
Wasiirka Maaliyadda Dawladda Farmaajo oo Walaac Ka Muujiyay Dhaqaale Xumo Lasoo Daristay Xukuumadda uu Ka Tirsanyahay.
April 25, 2021 - Written by Ahmed ALI

Wasiirka Maaliyadda Dawladda wakhtigeedu dhamaaday ee Farmaajo ayaa Walaac xoogan ka muujiyay dhaqaale xumo lasoo daristay Dawladda uu ka tirsanyahay kadib markii qaadhaan bixiyayaashu ka joojiyeen dhaqaalihii ay siin jireen Wasiirka ayaa hadal uu jeediyay u dhignaa Sidan:

Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Beyle:”Lacagihii kabka ee dunida sannadkii hore ayaa nala ka joojiyey, xoogaa Sucuudiga iyo Qadar na siiyeen ayaan mushaharka ku bixinaynay iyagiina dhammaade, hadda waxaan taagannahay sagxadda, waa in Soomaalidu iskutashato oo dalkan yeelato”.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS