BALIGUBADLE MEDIA
Muxuu Dhigayey Heshiiska Lagu Baaqayo In Lagu Laabto ee Fursad U Ah Doorashada Somalia Ee La Galay 17 September 2020?
April 27, 2021 - Written by Ahmed ALI

Isbeddellada iyo xiisaddaha Siyaasaddeed ka jira Somalia tan iyo dabaqaayadii sannadkii hore, ayaa kolba weji gelayey, iyada oo weli is marinwaa siyaasaddeed ka taagan qabashada doorashada Somalia.

Wada hadallo dhawr jeer la isugu yimid oo midho dhalan noqon waayey, ayaa aakhirkii sababay muddo kordhin laba sanno ah oo lagu macneeyey doorasho toos ah, ayaa muddadaasi lagu qabanayaa, markii muddo kordhintan Barlamaanku sameeyey ayey xaaladda Siyaasaddeed ee Somalia weji kale gashay, kaas oo gaadhay heer xiisad dagaal iyo mid kala qaybisay Ciidanku in ay ka bilaabanto Somalia.

Isbeddellada deg deg ah ee ka socda Somalia, waxa u dambeeyey Maamul goboleedyo la safnaa Farmaajo oo ka soo horjeestay muddo kordhintii iyo Raysal Wasaaraha dalkaas oo taageeray labadaas maamul goboleed.

Haddaba, waxa ay arrintu maraysaa ha lagu noqdo miiska wada hadalka iyo Heshiiskii 17 September 2020 ee ka dhacday Dhuusa mareeb.

Haddaba, si aad u fahanto Heshiiska iyo nuxurka uu xambaarsanaa halkan ka akhri.

■In Dowladda Federaalka ay magacawdo Guddi Doorasho oo heer Federaal ah kaas oo kaashanaya Guddi Doorasho oo heer Dowlad Goboleed ah.
■In deegaan doorashooyinka Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka laga asteeyo labo magaalo oo ah caasimadaha Gobollada oo ku dhisan yahay Dowlad Goboleed kasta.
■In tirada ergada Xildhibaan walba u codeynaysa ay noqoto 101 ergo oo mataleysa beesha wadaagta kursigaas.
■In xulista ergada ay iska kaashanayaan odayaasha dhaqanka, bulshada rayidka ah iyo Dowlad Goboleedka.
■In qoondada haweenka ee 30% ah la ilaaliyo.
■In Baarlamaanka heer Dowlad Goboleed ay soo doortaan Xildhibaannada Aqalka Sare.
■In Xildhibaannada Aqalka Sare ee Soomaaliland ay soo doorataan ergo matasha oo wada jir ah.
■In doorashada Xildhibaannada labada Aqal ee Soomaaliland ay ka dhacdo magaalada Muqdisho.
■Qorshaha doorashooyinka dalka waxa uu bilaabanayaa 1-da Nofeembar 2020.
■In sugidda amniga doorashooyinka ay ka wada shaqeeyaan hay’daha amniga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha Xubnaha ka ah.
■Heshiiskan siyaasadeed waxaa loo gudbinayaa Baarlamaanka Federaalka si ay u meel mariyaa.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS