BALIGUBADLE MEDIA
Muddo Kordhinta Farmaajo Ayaa Ka Khatarsan Alshabaab “Taliyaha Africom”
April 24, 2021 - Written by Ahmed ALI

Taliyaha Taliska Ciidammada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa guddiga senete-ka ee arrimaha amniga u sheegay in caqabadda amni ee ugu weyn ee haatan ka jirta Soomaaliya aysan ahayn kooxda Al-Shabaab, balse ay tahay muddo korosigii dhawaan ee Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Jeneraal Stephen Townsend oo shalay hadal ka hor jeedinayay Guddiga Arrimaha Ciidamada u qaabilsan Senate-ka Mareykanka, ayaa sheegay in xasaradda siyaasadeed ee u dhaxeysa Dowladda Federaalka iyo maamul-goboleedyada ay tahay caqabadda amni ee ugu weyn ee haatan dalka ka jirta.

“Saameynta ugu weyn ee amniga Soomaaliya haatan ma aha Al-Shabaab, waa xasaradda siyaasadeed ee ka dhex taagan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad-goboleedyada. Muddo krorosiga ka baxsan dastuurka ee xilka madaxweynaha — taasi waa caqabaddeenna ugu weyn, sida aan filayo, hadda,” ayuu yidhi Jeneraal Townsend.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS