BALIGUBADLE MEDIA
“Kuwa Rabshadaha Muqdisho Ka Masuulka Waa Lala Xisaabtami Doonaa” Danjiraha Midawga Yurub ee Somaliya”
April 26, 2021 - Written by Ahmed ALI

Danjiraha Midawga yurub ee Somaliya ayaaWalaac xoogan ka muujiyay rabshadaha ka socda magaaladda Muqdisho ee caasimadda Somaliya waxaanu isagoo arrimahaas ka hadlaya yidhi:

“Aad ayaan uga walaacsanahay dhacdooyinka ka socda Muqdisho. Danta guud waxay ku jirtaa is-xakameynta ugu sarreysa, ilaalina ha’ayadaha la wada leeyahay iyo wada-hadallo. Rabshadaha ma ahan wax la aqbali karo. Kuwa ka mas’uulka ah waa lala xisaabtami doonaa.”

Qalalaasaha siyaasadeed ee ka socda magaaladda Muqdisho ayay sababeen muddo kordhintii Madaxwayne farmaajo ay u sameeyeen golaha shacabku Iyo khilaafka Dawladda Iyo muncaaradka ee ka aloosan Dalkaas.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS