BALIGUBADLE MEDIA
Gudoomiyaha Xisbiga Ucid oo Madaxwayne Biixi Ku Eedeeyay Xeerka Furista Ururadda Siyaasadda.
April 19, 2021 - Written by Ahmed ALI

Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Faysal cali waraabe ayaa Madaxwayne Biixi ku eedeeyay inuu dabadda ka waddo Xeerka Furista ururadda Siyaasadda Somaliland oo dhawaan Golaha wakiiladdu Ansixiyeen.

Faysal Cali Waraabe oo arintaas ka hadlaaya ayaa yidhi “Wax-ka-beddalka Xeer-14 iyo muddo-kordhinta Farmaajo waa isku mid, Madaxweynuhu wuxuu doonayaa laba Xisbi oo yaryar oo kuwaa Jabuuti oo kale ah uu samaysto si uu ula tartamo”

Xeerka Furista Ururadda siyaasadda ayaa ah mid ay walaac wayn ka muujiyeen labadda xisbi muncaraad ee Somaliland.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS