DEG-DEG: Real Madrid, Man City Iyo Chelsea Oo Jimcaha Laga Saarayo Tartanka Champions League Ee Semi-finalka Ay Taagan Yihiin.
April 20, 2021 - Written by Ahmed ALI
Kooxaha Real Madrid, Chelsea iyo Manchester City ayaa laga caydhin doonaa tartanka Champions League ee ay semi-finalka taagan yihiin, sida uu sheegay masuul sare oo ka tirsan xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA.
Saddexdan kooxood ayaa qayb ka ah naadiyada samaystay tartanka muranka badan dhaliyey ee European Super League, kaas oo ay xidhiidhada kubadda cagta ee kala duwan ku sheegeen mid aan sinaba loo aqbali karin, iyadoo UEFA iyo FIFA ku hanjabeen in ciyaartoyda kooxahan laga joojin doono in ay dalalkooda u ciyaaraan Koobka Adduunka iyo UERO.
Jesper Møller oo ka tirsan masuuliyiinta sar-sare ee xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa hadda shaaciyey in ay miiska ay saaran tahay oo go’aan laga gaadhayo kooxaha saddexda ah ee Real Madrid, Chelsea iyo Manchester City, suurtogalna ay tahay in laga saaro tartanka Champions League ee semi-finalka ay joogaan.
Jesper Møller oo sidoo kale ah guddoomiyaha xidhiidhka kubadda cagta waddanka Denmark, ayaa yidhi: “Real Madrid, Manchester City iyo Chelsea, waa laga saarayaa tartanka, waxaanan rajaynayaa in Jimcaha ay arrintaasi dhici doonto.”
Waxa qoray, Abdiwahab Cabbeeye, Gool24.net
Like this:
Like Loading...
COMMENTS