Ciidanka Booliska Somaliland oo Ka Hadlay Musharaxiin Ay Xidhxidheen Iyo Qaar Ay Ku Daba Jiraan.
April 28, 2021 - Written by Ahmed ALI
Booliska Somaliland ayaa sheegay in laba musharrax oo dumar ah oo u tartamaya doorashada isku sidkan ee Golaha Wakiillada iyo Deegaanka ay u hayaan Waaran Maxkamaddeed oo qabasho ah.

Labadan musharrax ayaa kala ah:
1- Kubra Xasan Maxamuud oo xisbiga Waddani uga sharraxan gobolka Togdheer.
2- Canab Cabdi Aw Xirsi oo xisbiga UCID uga sharraxan gobolka Sool.
Sidoo kale Boolisku waxay sheegeen in sifo sharci ah ay u mareen xadhiga Musharrax Qaasim Aadan Saleebaan oo xisbiga Waddani gobolka Sool uga sharraxan.
Booliska ayaa dhammaan musharrixiintan u haya eedo ay ka mid yihiin; shahaadooyinka ay sitaan oo foojari ah iyo waxyaabo kale oo aaney sheegin ciidanku.
Waxaa kale oo jira musharrixiin kale oo boolisku ku daba jiraan, sida ay ku sheegeen qoraal ay soo saareen maanta.
Isha Ku Hay Baligubadlemedia
Like this:
Like Loading...
COMMENTS