BALIGUBADLE MEDIA
Wasaaradda Isgasdhsiinta oo Amaro Is Burinaya Kasoo Saartay Taawar Cusub oo Laga Taagayo Degmadda 31-ka May.
March 15, 2021 - Written by Ahmed ALI

Wasaaradda Isgaadhsiinta Oo Amarro Iska Soo Horjeeda Ka Soo Saartay Taawar Cusub Oo Laga Taagayo Degmada 31 May

Dadweynaha Xaafad Ka Tirsan Degmada 31 May Oo Cabasho Ka Muujiyey Taawar Cusub Oo Laga Taagayo Xafadaas.

Dadweynaha ku dhaqan Xaafadda Isha Boorama ee degmada 31 May ee Magaalada Hargeysa, ayaa cabasho xooggan ka muujiyey taawar cusub oo laga taagayo Xaafaddaasi, taas oo ay sheegeen in ay halis ku tahay caafimaadkooda.

Dadweynahan oo u warramayey Wargeyska Saxansaxo, ayaa sheegay in goobta Taawarka cusub laga taagayo uu yahay meel uu mid hore ka taagnaa, isla markaana aanay haboonayn in mid kale laga qotomiyo, madaama oo ay isu dhow yihiin Taawarka hore ee meesha ka taagnaa iyo ka cusub ee la qorsheeyey.

Jaamac Maxamed Cabdi oo ka mid ah dadweynaha cabashada muujiyey, ayaa xusay in aanay arrintaasi u dul qaadan karin, madaama oo ay halis ku tahay caafimaadka dadka ka ag dhow goobtaasi, waxaanu wax laga xumaado ku tilmaamay amarro qoraal ah oo is burinaya oo ka soo baxay Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda, taasoo soo saartay amar lagu joojinayo iyo kale oo lagu fasaxayo Taawarka cusub oo ay Shirkadda Somcable.

Xaaji Cabdiraxmaan Cismaan oo isaguna ka mid ah dadka Xaafadda ee cabanaya Taawarkan cusub, ayaa ugu baaqay Xukuumadda in ay wax ka baqato arrintan, madaama oo ay ka dhalan karto xaaladda caafimaad darro iyo amni darro.
Cabashadan dadka Xaafaddan, ayaa waxa ay ka dambaysay ka dib markii Wasaaradda Isgaadhsiintu soo saartay amarro is burinaya oo midna uu soo saaray Agaasimihii hore ee Isgaadhsiinta Cali Daahir, kaas oo lagu joojiyey Taawarka cusub 5 bishii October ee 2020-ka, isaga oo amarkaasi ku xusay in meeshii loo ogolaaday meel aan ahayn ay ka dhisanayaan, sidaasna uu ku joojiyey.
Halka amar kale oo ka soo baxay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Isgaadhsiinta Aamina Xuseen Jaamac 25 bishii janaury 2021-ka lagu sheegay in lagu fasaxay dhismaha Taawarka hore loo joojiyey, iyada oo aan waxba laga beddeli goobtii hore loogu diiday, taas oo jaahwareer ku abuurtay dadka xaafaddaasi degnaa.

Xigasho: Wargayska Saxansaxo.

COMMENTS