BALIGUBADLE MEDIA
Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda oo Saartay Fariin Ku Socota Musharaxiinta Doorashooyinka Wakiiladda Iyo Deegaanka.
March 6, 2021 - Written by Ahmed ALI

Farriin Ku Socota Murrashaxiinta Goleyaasha Wakiillada Iyo Deegaanka Oo Ku Saabsan Waxyaabaha looga baahan yahay Marka Ay Bixinayaan Lacagta Deebaajiga ah Xeerku Ku Waajibiyey
■■■■■■■■■■■■■■■■■■■■■■■■■■■■■■■■■■■■■■■■■■■■■■■■■■■■■■


Wasaaradda H.Maaliyadda JSL iyada oo ka duulaysa fulinta awaamiirta Xeerka Guud ee
Doorashooyinka iyo Diwaangalinta Codbixiyayaasha Xeer Lr. 91/2020, gaar ahaan qodobada 67-aad, 68-aad, 72-aad, 83-aad, iyo 84-aad. Isla markaana eegaysa ahmiyada ay Dalka u leedahay qabsoomida doorashooyinka is ku sidkan ee Golayaasha Wakiilada iyo Deegaanka, waxa ay ku wargalinaysaa murashixiinta in Wasaaraddu bilawday qabashada feega musharixiinta xeerku ku waajibiyey.Waana sidan shuruudaha iyo deebaajiga aan celiska lahayn ee murashixiinta laga rabaa:

1. Qoraal rasmi ah oo ka imanaya xisbiga uu ka sharaxan yahay, kaas oo wata faah-
faahintan
a) Magaca musharaxa oo afaran
b) Jagada musharaxnimo ee uu u tartamayo
c) Hadii uu gole deegaan u sharaxan yahay, degmada uu ka sharaxanyahay iyo darajadeeda
d) Koobi aqoonsiga musharaxa
2. Hadaba,iyada oo la raacayo shuruudahaas kor lagu soo sheegay, waxa laga qabanayaan
musharax kasta oo u sharaxan golaha wakiilada iyo deeagaanada jsl, xadiga lacageed ee
hoos ku xusan, waana sidan:
SN Musharaxa Xadiga Deebaajiga aan Celiska lahayn

1. Musharaxa Golaha Wakiilada 40,000,000

2. Musharaxa Golaha Deegaanka:-

Darajada Degmada A 15,000,000
Darajada Degmada B 7,000,000
Darajada Degmada C 4,000,000

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS