BALIGUBADLE MEDIA
Waayo Masuuliyiinta Madaxwaynuhu Sheegay Inay Ku Kaceen Xatooyo Hanti Qaran.
March 9, 2021 - Written by Ahmed ALI

Sida ku cad khudbadda Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi jeediyey maanta (Isniin, 8 March 2021), Hanti-dhawrka qaranku waxa uu baadhis maaliyadeed iyo mid maamul ku sameeeyey ilaa 72 oo ah Hay’adaha dowliga ah, iyadoo muddada baadhistu socotay la soo eedeeyey 31 masuuliyiin dowladeed ah oo loo haysto inay lunsadeen xoolo ummadeed, isla markaana ay hadda yihiin gar-sugayaal Maxkamadeed.

Geesta kale, waxa Madaxweynuhu sheegay in qasnadda dowladda dib loogu soo celiyey lacag dhan 5 bilyan oo Shillinka Somaliland ah, taasoo hore looga xaday qaranka Somaliland.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS