BALIGUBADLE MEDIA
Ugaaska Guud ee Beelaha Somaliland Oo Soo Saaray Baaq Waayeel
March 16, 2021 - Written by Ahmed ALI

Ugaaska Guud ee Beelaha Somaliland Ugaas Axmed Maxamed Siciid (Cali Mahdi) ayaa soo saaray talooyin ku aadan xanuunka dunida aafeeyay ee Covid 19

BAAQ iyo DUCO WAAYEEL

Bislmilaah wa salaatu wa salaamu calaa sayidal mursaleen, Nabiyunaa Maxamed(scw).

Salaan, duco iyo saamaxaad kadib.
Waxaan ummadda soomaaliyeed guud ahaan iyo Reer soomaaliland gaar ahaan siiba Xukuumadda iyo seddexda xisbi qaranba in indho, talo iyo talaabo lexejeclo leh lagu eego Umadda wakhtigan xaadirka ah oo laba xaalo oo adagi la soo derseen oo ah:-
1- Xanuunkan dilaaga ah oo dhibtiisa iyo dhimashadiisa leh iyo xafladahan kunka qof iskugu imanayaan kuna talin lahaa in la joojiyo lacagta ku baxaysana loogu gurmada dadka tabaalaysan iyo Daawooyin.
2-Abaaraha oo iyana gurmad u baahan iyo in la dabaqabateeyo dadkii iyo xoolihii miyiga.

Dadku ha u dhaga nuglaadaan talooyinka Iyo tilmaamaha ay bixinayaan hawl wadeenadda caafimaadka.

Xukuumadda Iyo waaxeehada caafimaadka waxa looga baahanyahay inay xil iska saaraan xakamaynta caabuqa Iyo wacyigalinta dadka

Waxaan odhan lahaa, maanta maaha maalin lagu sii mashquulo siyaasad iyo xifaaltan Dadka kala fogeeya.

Iyadana halagu dadaalo oo hala barto isu tanaasulka iyo wadadhalashada oo yay idinka gaadhin colaad, waayo tartan siyaasadeed oo nadiif ah, Waa tartan aqoon iyo cilmi, Waa tartan nabad iyo degenaasho xalaala oo seddexda Xisbi iyo tartamayaashuba waa isla inaka.

Ugu dambayn, waxaan Ebbe(swt) inooga baryayaa inuu labadan cadaw(caabuqa iyo Abaartal)inaga badbaadiyo

COMMENTS