BALIGUBADLE MEDIA
Madaxwaynihii Waddanka Tanzania oo Geeriyooday.
March 18, 2021 - Written by Ahmed ALI

Madaxweynihii Dalka Tanzania John Pombe Magufuli Oo Geeriyooday

Madaxweyne kuxigeenka dalka Tanzania, ayaa xaqiijiyey inuu geeriyooday Madaxweynihii dalkaasi, mar uu Telefishanka uu kala hadlayey shacabka dalkaasi, caawa.

Tanzania vice-president Samia Suluhu Hassan, ayaa sheegay in Madaxweyne Magufuli u geeriyooday xannuun dhinac wadnaha ah, oo uu u yaalay dhakhtarkaJakaya Kikwete Cardiac Institute, halkaas oo lagu dawanayey illaa lixdii bishan.

Geerida Madaxweyne Magufuli, ayaa imanaysa xilli toddobaadyadii u dambaysay la isla dhex marayey warar sheegayey in xannuunka Covid19 uu ku dhacay oo dhakhtarka loo dhigay

Magufuli ayaa dhashay bishii October 29, 1959-kii, waxaanu xilka hayey tan iyo 2015-kii.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS