BALIGUBADLE MEDIA
Madaxwayne Biixi Muxuu Ka Yidhi Lacagaha ay Ganacsatadda Somaliland Dhigtaan Baananka Dalka.
March 8, 2021 - Written by Ahmed ALI

Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in lacag gaadhaysa 130 Milyan oo Dollarka Mareykanka ah ay Qasnadaha ku hayaan Afar Baank oo laga leeyahay Somaliland oo dalka ka shaqeeya, lacagtaas oo uu xusay Madaxweynuhu haddii laga shaqayn siin lahaa in ay shaqo abuur badan dadka u samayn lahayd.

Madaxweynaha, ayaa arrintan ku soo hadal qaaday khudbad sannadeedkiisii uu maanta ka jeediyey labada Gole, waxaanu yidhi “Somaliland waxa ka jira afar Baank oo gaar loo leeyahay. Lacagta ay Shacabka Somaliland dhigteen waa 200 Milyan oo Doollar oo dhigaal ah. Sannadkii la soo dhaafay, afartaa Baank waxa ay dayn ku bixiyeen 70 Milyan oo Doollar. Taas oo macnaheedu yahay in ay Qasnadaha ku hayeen lacag dhan 130 Milyan oo Doollar oo aan samayn wax dhaq-dhaqaaq maaliyadeed ah. Waxaay noqonaysaa in lacagtaasi fadhidaa ka qayb qaadanin wareega maaliyadeed ee dalka. Haddii Lacagtaasi ay wareeg maaliyadeed geli lahayd, waxa ay abuuri lahayd Wershado, Waxay dhisi kari lahayd Cisbitaallo casri ah, waxaanay u abuuri lahayd dadkeena shaqooyin badan.”

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS