Komishanka Doorashooyinka oo Ku Dhawaaqay Wakhtiga La Bilaabayo Qaybinta Kaadhka Codbixiyayaasha.
March 6, 2021 - Written by Ahmed ALI
Guddida doorashooyinka Oo Ku Dhawaaqday Wakhtiga la Bilaabayo Qaybinta Kaadhka Codbixiyeyaasha.

Komishanka doorashooyinka Somaliland, ayaa ku dhawaaqay wakhtiga uu dalka ka bilaabmayo qaybinta kaadhka codbixinta, ee dadkii dhawaa la diiwaan geliyey.
Guddoomiyaha Guddida doorashooyinka Cabdirashiid Maxamed Cali (Riyo-raac), ayaa sheegay in 11-ka Bisha March ay dalka ka bilaabi doono kaadh qaybinta codbixiyeyaasha, iyada oo Gobollada Sool, Sanaag iyo Saaxil.
Guddoomiye Riyo-raac, waxa bulshada ugu baaqay in ay u diyaargaroobaan qaadashada kaadhka codbixinta, ee dadkii uu dhawaan is diiwaan geliyey.
Isha Ku Hay Baligubadlemedia
Like this:
Like Loading...
COMMENTS