Isbahaysi Cusub oo Muncaaradeed Lagaga Dhawaaqay Xamar.
March 19, 2021 - Written by Ahmed ALI
Jublanad, Puntland iyo musharaxiinta Mucaaradka Somalia Oo Ku Dhawaaqay Gole La Magac baxay Badbaado Qaran, Oo Cabdi Xaashi Guddoomiye u Yahay

Gole cusub oo la magac baxay Golaha Badbaado qaran oo ah isbahaysi cusub oo ay hormuud u yihiin Jubland, Puntland iyo midowga murrashaxiinta Somalia, ayaa maanta lagaga dhawaaqay Magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Somalia
Isbaheysigan ayaa waxaa ku mideysan Madaxda Jubbaland iyo Puntland, Midowga Musharaxiinta mucaaridka iyo Guddoomiyaha Aqalka Sarre.
Golaha Bad-baadada Qaran ayaa waxa uu ka shaqeyn doona sidii dalka uga dhici laheyd doorasho xor iyo xalaal ah, islamarkaana dalka looga bad-baadin lahaa doorasho boob ku dhisan, sida ay sheegen.
Waxaa hoggaaminaya golahan oo guddoomiye looga dhigay Guddoomiyaha Aqalka Sarre, Cabdi Xaashi Cabdillahi, waxayna xubnaha ku midoobay golahaan si weyn uga soo horjeedaan madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday inuu sii joogo tallada dalka.
Golahan oo ay ku midoobeen siyaasiyiin miisaan culus leh ayaa waxa uu noqonayaa Golihii ugu horeeyay ee noociisa ah oo laga sameeyo Soomaaliya tan iyo intii ay ka baxday kumeel-gaadhka.
Isha Ku Hay Baligubadlemedia
Like this:
Like Loading...
COMMENTS