BALIGUBADLE MEDIA
Guul Darro Labaad Xisbigu Uma Taag Hayo Waxaan Gartay Inaan Maanta ahay Kii Badbaadin Lahaa “Cabdilaahi Dahab”
March 27, 2021 - Written by Ahmed ALI

“Guul darro labaad Xisbigu uma taag hayo, Waxaan gartay maanta inaan ahay kii badbaadin lahaa.” Cabdillaahi Dahab

Difaaca qaranimada Waddani waa inuu number one ka noqdo, inuu ka horeeyo Kulmiye oo aanu Madaxweynaha ku halayn oo wasiiradiisa ku halayn difaaca qaranku waa waajib qof walba saaran, hadii garoonkii aad kubbada ku ciyaari lahayd aad dhagxaan ku gurto, oo quraarado ku jebiso, oo aad kharibto maxaa kubbad lagu ciyaarayaba.

Waxaad ummada hoogamin kartaa markaad uurkeeda isku baneyso ee aad qaranimadeeda ilaaliso, in calaamutul su’aal lagu saaro qaranimadaada iyo waddankaaga sidaad u difaacayso oo aad ka jawaabo kari waydo waa dhibaato”.
Sidaas, waxa yidhi Siyaasi Cabdilaahi Dahab oo Ka tirsan xisbiga Waddani oo wareysi siiyay Sahan TV

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS