BALIGUBADLE MEDIA
Gudidda Anshaxa Wasaaradda Dhalinyaradda Iyo Ciyaaraha oo Ganaaxii Ka Qaaday Xulalka Goboladda Hawd Iyo Togdheer.
March 21, 2021 - Written by Ahmed ALI

Guddida Dacwadaha & Anshaxa Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland  Ayaa kudhawaaqay in Ganaaxii laga Qaaday Xulalka Gobolada Hawd & Togdheer . Sidoo kale waxa Ganaaxii laga Qaaday Ciyaartoydii kasoo Ciyaaray tartankii Maamul Goboleedyada Somalia.

Kulankani lagu Shaacinayay waxa Goob joog ka ahaa Wasiirka dhalinyarada iyo Ciyaaraha Boos Mire maxamed , Dr Adna Aadan ,Jaamac karaaciin ,Gudoomiya XKCSL & Ciyaartoydii Ganaaxu kudhacay .

Xigasho: Truecable Sports

COMMENTS