BALIGUBADLE MEDIA
Golaha Wakiiladda Somaliland oo Ansixiyay Xeerka Shaqaalaha Dawladda.
March 30, 2021 - Written by Ahmed ALI

Agaasimeyaasha Guud ee Xilka laga qaadaa, haddii aan xil gudasho la’aan iyo dembi uu galay aan lagu eryin, Mushaharkiisa iyo kala badh Gunnadii uu qaadan jiray, ayuu qaadanayaa, Waxaanu noqonayaa Shaqaale u wareega Hay’adda Shaqaalaha Dawladda.

Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa maanta ansixiyey Xeerka Shaqaalaha Dawladda ee Xeer 97/2021, oo ka kooban 79 qodob oo lagu dhaqi doono shaqaalaha dawladda.

Xeerkan oo qodobkiisa 25-aad ka hadlayo Agaasimeyaasha Guud iyo Waajibaadkooda, ayaa waxa farqada Lixaad ay tilmaamaysa in Madaxweynuhu jaangoynayo Mushaharka iyo gunnooyinka Agaasimeyaasha Guud, halka farqada 7-aad ee isla qodobkan uu sheegayo in Agaasimeyaasha Guud Mushaharkooda iyo kala badh Gunnadoodu u socon doono, haddii xilka laga wareejiyo amma laga qaado, taas oo aanay sababin xil gudasho la’aan iyo dembi uu galay.
Farqadan 7aad ee qodobka 25-aad ee Xeerka maanta la ansixiyey, ayaa u dhignaa sidan:

“7) Haddii Shaqada laga wareejiyo agaasimayaasha guud oo aan Shaqada looga eryin xil gudasho la’aan ama danbi uu galay waxa uu ku wareegayaa Hay’adda shaqaalaha dawladda waxaanay qaadanayaan mushaharkoodii aasaasiga ahaa oo buuxa iyo kala badh guno xileedkoodii.”

Xigasho: Wargeyska Saxansaxo

COMMENTS