Finland oo Noqday Waddanka Dadkiisu Aduunka Ugu Farxad Badanyihiin.
March 21, 2021 - Written by Ahmed ALI
Finland Oo Markale Sannadkii Afraad Xejisatay In Ay Tahay Dalka Dadkiisu Ugu Farxadda Badan Yihiin.

Waddanka Finland, ayaa noqday dalka ugu farxadda badan adduunka, sida lagu sheegay warbixin qiimeysta Farxadda dalalka Dunid oo Qaramada Midoobay maal gelisay.
Denmark, ayaa kaalinta labaad ku jirta, saddexaad ay cidhiidhsatay Switzerland, Iceland iyo the Netherlands, ayaa iyagu ku sii xiga sida ay u kala horreeyaan.
Ingiriiska oo sannadkii hore ku jiray kaalinta 13-aad ayaa ku dhacday kaalinta 17-aad.
149 dal ayaa laga sameeyey daraasadan farxadda dadka dalalkaas lagu qiimaynayey, waxyaabaha laga qiyaas qaadanayey ee lagu cabirayey rayn raynta dadka dalalkaasi ku nool, waxa ka mid ahaa taageerada bulsho ee ay helaan, xoriyada shakhsiyadeed ee ay haystaan iyo heerka dhaqaalahooda.
Waddanka dadkiisu ugu farxadda yar yahay ayaa ah Afghanistan, waxa soo raaca Lesotho, Botswana, Rwanda and Zimbabwe.
According to the report, the ten happiest countries are:
Finland
Denmark
Switzerland
Iceland
Netherlands
Norway
Sweden
Luxembourg
New Zealand
Austria
Isha Ku Hay Baligubadlemedia
Like this:
Like Loading...
COMMENTS