Daraasad Cusub oo Ku Saabsan Covid 19 Iyo Bukaanadda Qalniinka U Baahda.
March 15, 2021 - Written by Ahmed ALI
Daraasad Cusub oo Ku Saabsan Covid19 iyo Bukaanada Qaliinka U baahda.
Waxa 5 cisho soo baxday diraasad ku saabsan Covid 19 positive cases iyo qaliinka oo lagu sameeyay 116 dawladood; oo ay ku jirto Somaliland iyo Somalia, waxa sameeyay Jamacada Birimingham; iyadoo kaashanasa shaqaalaha caafimaad 25,000 ee daafaha dunida. waxa xogtan laga ururiyay 140,727 bukaan oo bishii 10,aad ee 2020 galay Qaliin in kabadan 1,674 Cusbitaal oo uu ka mid ahaa Cisbitalka wayn ee magaalada Hargeisa.
Diraasada waxa ka soo baxday in qaliinka qofka covid19 positive ah ee walibana elective ka ah aan la qalin karin mudo 7 usbuuc ama 7 weeks. Hadii ka yar uu qaliin ku galana ay badan tahay khatar uu bukaankaasi ku dhiman karo 30 cisho gudahood malinkii la qalay.
Diraasadan, Wadan walba waa uu shaaciyay iyadoo cinwankeedu yahay sidan (Timing of Surgery Following SARS COV2 INFECTION – an international prospective cohort study )
Waxaa Farxad ii aheed inaan masuul ka ahaa diraasadan Dawladaha Somaliland iyo Somalia.
Hadaba, haddii ay jiraan wargeyso ama telivision, ama idaacado xiisaynaya diraasad ama aad garanaso, Halkan ku mention garee si aan ula wadaago War murtiyeedkii diraasadan.
Waxa qoray Dr. Hassan Sayid-Ali Daa’uud, oo isagu masuul ka ahaa Daraasadan laga sameeyey Somaliland iyo Somalia
Isha Ku Hay Baligubadlemedia
Like this:
Like Loading...
COMMENTS