Berbera: Madaxwayne Ku Xigeenka oo Xadhiga Ka Jaray Dhisme Cusub oo ay Yeelatay Wakaaladda Biyaha Berbera.
March 11, 2021 - Written by Ahmed ALI
Madaxweyne ku Xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta xadhigga ka jaray dhisme laba dabaq ka kooban oo loo bineeyey Wakaalladda Biyaha ee Magaaladda Berbera.

Munaasibadda xadhig-ka-jarista oo lagu qabtay xarunta Wakaaladda Biyaha ee Berbera, isla markaana Madaxweyne Ku Xigeenka wuxuu kormeer ku sameeyey xafiisyada kala duwan ee uu dhismaha cusubi ka kooban yahay, iyada oo ay masuuliyiinta Wakaallada iyo Wasaaradda Biyuhuna warbixin kooban halkaas ku siiyeen Madaxweyne Ku Xigeenka.
Madaxweyne ku Xigeenka oo khudbad ka jeediyay munaasibdan ayaa yidhi “Waxaan bogaadinayaa dhismahan cusub ee ay yeelatay Wakaalladda biyuhu, waa horumar soo kordhay cashuurtii muwaadiniinta laga qaadayay ayaa wax loogu qabtay waanay ku amaanan yihiin masuuliyiinta Wakaalladu, Sidoo kale waxan masuuliyiinta Wakaalladda Biyaha Berbera usoo jeedinayaa inay illaaliyaan oo dar-yeelaan shaqaale weynaha Wakaalladda si shaqadu dar-dar u gasho” ayuu yidhi Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici).
Isha Ku Hay Shabakedda Wararka Ee Qumannews.net Goor Kasta Iyo Goob Kasta Oo Aad Joogto Ama Ku Sugan Tahay.
Isha Ku Hay Baligubadlemedia
Like this:
Like Loading...
COMMENTS