BALIGUBADLE MEDIA
Xisbiga Waddani oo Sheegay Halka Loo Wareejiyay Warqadii Laga Qaadan Jiray CID’da Hargeysa.
February 23, 2021 - Written by Ahmed ALI

Warqadii Dembi La’aanta ee CID-da Laga Qaadan Jiray, Waxa loo Wareejiyey Xeer Ilaalinta, waana caqabad cusub” Cabdiqaadir Jirde

Xisbiga Waddani, ayaa sheegay in warqadii dembi la’aanta ee Murrashaxiintu ka qaadan jireen Laanta Dembi baadhista ee CID-da loo wareejiyey dhinaca Xeer Ilaalinta Guud oo halkaas bixinayso warqada dembi la’aanta.

Guddoomiyaha ku meel gaadhka ah ee Xisbiga Waddani Cabdiqaadir Jirde, ayaa arrintaasi ku tilmaamay caqabad cusub oo soo baxday oo aanay illaa imika fahamsanayn sababta keentay, waxaanu yidhi “Beesha Caalamka waxa aanu kala hadalnay caqabado cusub oo ka Soo Baxay Doorashada, Warqadii Dambi La’aanta Ee CID-da Laga Qaadan Jiray Oo Waxa Wareejiyay Xeer Ilaalinta Ma Fahmayno Macnaheeda Iyo Sababta Loogu Wareejiyay,”

Dhinaca kale mid ka mid ah Murrashaxiinta Xisbiga Waddani, ayaa hankiisii uga hadhay, markii uu si yidhi doono warqada dembi la’aan, ka dibna loo sheegay in xukun maxkamadeed ku dhacay.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS