Wasiir Faratoon oo Shaaciyay Inuu U Sharaxan Yahay Doorashadda Golaha Wakiiladda Somaliland.
February 14, 2021 - Written by Ahmed ALI
Wasiirka Wasaarada Arimaha Dibada Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamud Faratoon ayaa ku dhawaaqay inuu u sharaxan yahay xildhibaanimo doorashada bisha MAY dhici doonta ee Golana Wakiillada.

Wasiir Faratoon, ayaa hadalkan ka sheegay Magaalada Yagoori ee Gobolka Sool, waxaanu xusay inuu u sharaxan yahay Golaha Wakiillada
Maalmihii u dambeeyey, ayaa waxa soo baxayey warar sheegayey inuu is casili doono Wasiirka Khaarajiga Somaliland, isla markaana uu isu sharaxi doono Golaha Wakiillada.
Yaasiin Faratoon, ayaa la sheegay in aanu hankiisu Xildhibaanimo keliya ahayn ee uu doonayo inuu noqdo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, iyada oo hankiisuna uu badhitaar ka helayo Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi.
Axmed Aadan Rooble
Baligubadlemedia.com
Hargeysa/ Somaliland
Like this:
Like Loading...
COMMENTS