BALIGUBADLE MEDIA
Wasaaradda Warfaafinta Somaliland oo Warbaahinta Dalka Uga Digtay Ka Hadalka Arrimaha Ciidamadda Qaranka.
February 27, 2021 - Written by Ahmed ALI

Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa ku booriyey Suxufiyiinta Somaliland in ay fogaadaan dhacdo kasta oo ku saabsan Arrimaha Ciidamada.

War-saxaafaddeed uu soo saaray Ururka SOLJA, oo uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha Ururkaas Sakariye Axmed Muxumed, waxaanu u dhignaa sidan
“Ururka Suxufiyiinta Somaliland Ee SOLJA isagoo ogsoon masuuliyadda saaran Suxufiyiinta ka hawl galaha guud ahaan gudaha Somaliland, kuwaasi oo hadh iyo habeenba u taagan sidii ay u soo tabin lahaayeen dhacdooyinka muhiimka ah ee ogaashiyahoodu muhiimka u yahay bulshada Somaliland.
Ururka SOLJA Iyadoo uu ogsoonyahay baahida loo qabo helida dhacdooyinka saamaynta ku leh nolosha bulshada ayaa waxa uu saxafiyiinta ka hawlgala dalka ku boorinayaa tabinta dhacdooyinka iyagoo ku salaynaya xaqiiqada rasmiga ah ee ku saabsan sugnaanshiyaha wararka ay tabinayaan taas oo ah masuuliyada looga baahanyahay saxafiga run-sheega ah ee dhexdhexaadnima ku saleeya wararka uu tabinayo.
Hadaba, iyada oo ay masuuliyadda suxufigu tahay inuu dhacdo kasta oo xaqiiqo ah uu usoo bandhigo bulshada ayaa taa lidigeeda ururku waxa uu suxufiyiinta usoo jeedinayaa inay ka fogaadaan dhacdo kasta oo ku saabsan arrimaha ciidanka qaranka oo xaqiiqadeedu aanay sugnayn sida uu dhigayo xeerka Saxaafada Somaliland xeer no.27/2004, kaasoo reebaya baahinta wararka la xidhiidha arrimaha ciidan ka qaranka ee sugnaashiyahooda madmadawgu ku jiro. Taas oo saamayn ku keeni karta amniga dalka.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS